Kooxda kubadda cagta SBC ayaa galabta ciyaari doonta kuleen keedii saddexaad ee horyaalka Puntland kadib markii labadii kulan ee hore ay la soo ciyaartay kooxaha Somtel iyo Garoowe city .

Kulankii ugu horreyay waxaa ay la ciyaareen  kooxda ka dhisan magaalada Gaalkacyo ee Somtel waxaana ay kusoo suul daareen 2-0 oo ay guusha ku qaateen .

Is aragii labaad waxaa ay fooda is dareen naadiga ay isku magaalada yihiin ee Garoowe City -X-Dawladda hoose ,waxaana ay ku kala baxeen bar bar dhac min gool ah .

Kooxda SBC waxaa ay rajaynayaan inuu dib ugu soo laabto garoomada difaaca jooga dheer ee fayle oo kulankii dhawaa ku seegay dhaawac can qawga kasoo gaaray bilowga kulankii furitaanka ,majirto cid ganaax ama dhaawac kaga maqan kooxda SBC.

Kooxda Horseed

Kooxda Horseed

Kooxda kubadda cagta horseed waxaa ganaax kaga maqan laba difaac oo muhiim ah waxaana ay kala yihiin Burhaan tima cadde iyo Khaalid kadib markii ay kaarka cas qaateen kunkii ay la yeesheen Kooxda Bari FC.

Tababaraha kooxda horseed ayaa isaguna taara buunka ka daawan doona ciyaaraha kooxdiisa muddo Lixbilood ah kadib ganaaxii Xiriirka kubadda cagtu uu kusoo rogay

Ganaaxa ayaana waxaa sababay markii hanjabaad iyo gaf uu u gaystay masuuiyiinta xiriirka, sida ay sheegeen

Kulanka: HORSEED FC vs SBC FC

  • Garoonka: Mirre Awaare Jaamac – GAROWE
  • Waqtiga: 3:30 pm  Saacada Geeska Afrika
  • Garsoore: Cabdikaafi

SHAXDA MACQUULKA AH:

SBC FC (4-3-3): Mustafe ,Cabdulaahi yare ,Diido ,Tawakal ,Fayle ,Nuur caato ,Adam ,Scholes Ciise Caray  , Shaakaal ,Khadar Hurre  .

HORSEED FC  (4-3-3):  Guulleed ,Jamac cabaas ,Saxar diid ,Gurrey ,Sharmaarke hambo ,Dhakab dhakab,Dhii dhiiyo ,Keynaan ,Farxaan ,Khaalid ,saciid .

Waxaa Qoray : Axmed Sheekeeye
Garoowe / Puntland