Hooyo Xamdi C/rixmaan cumar waa hooyo ku nool magaalda garoowe gaar ahaan xaafada hormuud ee ku taala duleedka bari ee magaalda Garoowe gaar ahaan agagaarka dugsiga Hoose/Dhexe iyo Sare ee imaamu Nawaawi waana hooyo haysata tiro Carruur ah oo agoon ah waa Hooyo danyar ah waxayna haysataa wiil yar oo 7sano jir ah oo dhashay isaga oo curyaan ah lana il daran xauun .

Maxamuud Siciid Yuusuf waa wiil 7sano jir isla mar ahaantaana uu la soo darsan xanuun uu ku dhashay sida ay sheegtay hooyada dhashay wiilkaani xanuunsan oo lagu magacaabo xamdi c/rixmaan cumar,hooyo Xamdi ayaa Sheegatay in uu yahay wiilkaani wiil agoon ah uu dhintay Aabihiis isga oo yar ayna yihiin qoys adanyar ah oo aan awoodin daawaynta cunugoodan yarin balse ay kaga quusteen deegaanda puntland Loona sheegay inaan dalka gudihiisa waxba loogaga qaban karin taasina ay walwal iyo walaac ku abuurtay.

Hooyo xamdi ayaa mar ay ka hadlaysay dhanka cuntada ayaa waxa ay sheegtay in cuntada kaliya ee uu qaato ay tahay caano boore oo kaliya uusana cunin wax ckale oo cuna ah ,marka aad fiiriso muuqaalka Guud ee wiilkaani ayaa waxaad ka arkaysaa korkiisa jirada ,hooyada ayaa Sheegtay in wiilkeedan xanuunsani uusan istaagi karin aysana lahayn cagihiisu awood ay ku istaagaaan taasina ay sababtay in uu had iyo Jeer Iska jiifo joodariga dushiisa.

Hadaba iyadoo aynu kujirno Bishii khayrkaa Badnayd ee RAMADAAN isla markaasna Muslimiinta oo dhami ay ka faaidaystan bishan, kagana Faaidaystaan Dhinaca Sadaqada iyo Mucaawanooyinka waxa Walaalaha muslimiinta ah ee ku kala sugan  Adduunka Daafihiisa laga Codsanayaa  in ay Dar ilaahay u soo Cawiyaan soona Kaalmeyaan Hooyo xamdi c/rixmaan cumaroo dhashay wiilkan la il daran xanuunka Ee Lagu magcaabo maxamuud siciid yuusuf kuna haysa xaafada hoor muud ee ku taala duleedka bari ee magaalda Garoowe ee caasimada Puntland.

Hadaba hooyo xamdi iyo wiilkeedan yar ee xanuunsan ee cidii caawinaysa waxay kala soo xiriiri karaan numberadaan hoos ku qoran :
Tell:0025290546224 Ama 0025290362066 .
Account Sahal ugu soo hagaaji:408294.
SAWIRO AAN KA SOO QAADNAY WIILKA YAR