Fadhigii Xildhibaanada ay ku doorteen Gudoon iyo kuxigeeno Cusub oo Soo gaba gaboobay

Waxaa gebi ahaanba iminka soo xirmay fadhigii xildhibaanada Baarlamanka Soomaaliya kaas oo ay maanta ku doorteen Gudoomiye Baarlamaan cusub iyo xku xigeenadiisa.

Daqiiqadihii ugu dambeeyay kulanka maanta waxaa lagu dhaariyay Gudoomiye yaasha cusub ee uu baarlamanku doortay, iyagoo ku dhaartay in ay si daacad ah oo Howlkarnimo leh ugu adeegayaan umada Soomaaliyeed ee ay masuuliyada u qaadeen.

Dageyso DHAARTII GUDIYADA LA DOORTAY

Dhaarta ka dib ayaa waxaa microphone-ka lagu soo dhaweeyay Gudoomiyaha cusub ee uu maanta Doortay Baarlamanka Waa Proff Maxamed Cismaan Jawaari isagoona halkaasi ka jeediyay qudbad inteeda badan uu sheegay in uu dib ugu dhiganayo kulamada soo socda ee uu baarlamanku yeelan doono.

Dhageyso Qudbada Gudoomiyaha cusub

Waxa uu iclaamiyay gudoomiyaha cusub in Maalinta Berito ah uu Baarlanku nasasho gali doono, balse maalinta Khamiista ah ay isugu soo laaban doonaan sidii ay u dejin lahaayeen ajandayaasha howl maalmeedkooda iyo u diyaargarowga doorashada madaxweyne Cusub oo uu dalku yeesho.

Ugu dambeyntii Gudoomiye Juwaari ayaa soo xiray Kulankii saacadaha badan ee Maanta xildhibaanada Baarlamanku ku doorteen.

SBC International Muqdisho

Daalacatey :470

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

ARTICLE TOOLS
Share to Facebook Share to Twitter Email to friend Print