Dagaalo u dhexeeya Ciidamada Puntland iyo Koox hubeysan oo ku sugan Buurlayda Galgala ayaa saaka ka dhacay Agagaaraha Toga Sugure oo ku yaala dhinaca Waqooyi ee Karin waxaana Dagaaladaasi ay ka danbeeyeen ka dib Markii Koox hubeysan Oo ka mid ah taageerayaasha Maxamed Siciid Atam ay Habeenkii xalay weerar ku soo qaadeen Koontaroolka Magaalada Boosaaso.

Dagaalka Habeenkii  xalay ka dhacay Agagarka Kaantaroolka Boosaaso waxaa waxyeelo ay ka soo gartay ku dhawaad 5 qof oo rayid ah kuwaasi oo laba ka mid ah yahiin Haween la socday Gadiid Xilligaas ku sugnaa Koontoroolka Magaalada Boosaaso waxaana warkaan SBC u xaqiijiyay Shaqaalaha Caafimaadka ee Isbitaalka Boosaaso

Dagaalka habeenkii xalay ka dib waxaa Ciidamada Maamulka Puntland ay saaka Howlgal Hubeysan ku qaadeen Dhinicii Weerarka soo qaaday kuwaasi oo Dagaal xoogan uu saaka Barqadii uu ku dhexmaray Agagaaraha Deegaanada Buraleyda ee Galgala waxaana Dagaalkaasi uu Sababay khasaare iskugu jira Dhaawac iyo Dhimasho kuwaasi oo qaarkood lakeenay Isbitaalka weyn ee Boosaaso.

Sida ay SBC u sheegeen Dad wargal ah waxaa Isbitaalka Boosaaso la keenay Saaka dhimashada dad ku dhow 4 qof iyo dhaawac 12 qof kuwaasi oo iskugu jria Ciidamada Puntland iyo dhinicii ka soo horjeeday

Waxaase Saxaafada Magaalada Boosaaso lagu Tusay Gudaha Isbitaalka Boosaaso meydka 3 nin oo la sheegay inay ka mid yihiin dhinicii la dagalamay Ciidamada Puntland

Masuuliyiinta Puntland weli war rasmi ah kama soo saarin Dagaalka Saaka iyo Xalay dhacay ee ka dhacay Duleedka Magaalada Boosaaso

Dhinaca Kale Xarakada Alshabaab oo dhawaan sheegtay inay midooobeen iyaga iyo kooxda ka dagaalameysa Buuraha galgala ayaa sheegtay inay Weerarkii habeenkii xalay ay guulka gaareen Afhayeen u hadlay Alshabaab oo lagu magacaabo Abuu Muscab ayaa Bar internet oo afkooda ku hadasha ka sheegtay inay Weerarkaas iyagu geysteen.

Mahan Markii ugu horeysay oo Ciidamada Puntland lagu soo weeraro fariisimada ay ku leeyihiin Duleedka Magaalada Boosaaso waxaana Dagaalkan uu imaanayaa xili dhawaan ay midoobeen Xarakada Alshabaab iyo Dagaalyahanada Buuraleyda Golis.

Wixii warar ah ee ku soo kordha kala soco SBC

SBC International Monitoring