Faahfaahinta kulamadii Group D(Wararkii ugu dambeeyey EURO 20212+SAWIRO

Labada ciyaaryahan ee ka kala tirsan kooxda Manchester City Joleon Lescot & Samir Nasri ayaa xulalka qaramadooda siiyey min hal gool oo natiijadii ciyaartii xamaasada badneyd ee England & France ka dhigay barbardhac 1-1.

Kulankan oo ahaa mid xiiso gaar ah u lahaa taageerayaasha labadan wadan oo uu ka dhaxeeyo xifaaltan dhanka kubada cagta ah wuxuu ka dhacay garoonka Donbas Arena ee kooxda Shakhtar ee magaalada Donetsk ee wadanka Ukraine kaasi oo ay ku ahaayeen xaadir 42 kun oo daawadayaal ah.

Labada tababare ee hogaaminaya labadan kooxood waxay la soo shir tageen laba shax oo kala duwan iyadoo tababaraha England Roy Hodgson uu la yimid shaxda 4-4-1-1 iyadoo 9 nin ay ka dambeysay kubada isla markaana ciyaaryahanada Ingiriisku ay ku yareyd weerarka, laakiin waxay ku hormareen goolka furitaanka kulanka, ka dib markii daqiiqadii 30-aad uu ciyaaryahanka daafaca ah Lescott uu madaxa la helay kubad laad xor ah (free kick) uu soo qaaday Gerrard.

Sagaal daqiiqo ka dib goolkaasi Ingiriiska siiyey hogaanka ciyaarta ciyaaryahanka khadka dhexe ee ku soo barbaaray kubad qurxinta Arsenal Samir Nasir ee asalkiisu ka soo jeedo Al-Jeeriya hase yeeshee Muslimnimada dhaqankeeda abtirsi u haysta.

Ciyaartan dhanka farsamada kubada waxaa aad ugu awood badnaa xulka Faransiiska oo kubad maamulka iyo haysashada xisaab ahaan ay haartey 61% halka cadowgii ka soo horjeeday ay iyaguna kubada xisaab ahaayen haysteen 31%.

Faransiisku waxay shabaqa Ingiriiskas ku rideen 15 shuud isku day ah halka Ingiriisku cadowgiisa ku ridey 1 shuud.

Ciyaaryahanka James Milner ayaa isagu fursad lama helaan ah iska dayacay ka dib makrii uu dhinac u jarey gool ilaaliyaha Faransiiska Hugo Lloris, isla markaana shabaqii oo u banaan uu kubadii gees u bixiyey.

Ciyaaryahanada Faransiiska sida Yohan Cabaye, Karim Benzema & Samir Nasri waxay dhawr jeer isku dayeen toogasho laad ah, balse goolhayaha Ingiriiska Joe Hart ayaa u babac dhigay kubadahaasi awooda ku socdey.

Xulalkan waxay Jimcada 15-ka bishan la kulmi doonaan Sweden oo Ingiriiska oo Wayne Rooney wali ka maqan yahay la ciyaaraysa, inkastoo ciyaartii Ukraine laga badiyey, halka Faransiisku uu qaabili doono Ukraine oo gurigeeda ku ciyaaraysa.

Ku darso intaad ka ogtahay

Xulka kubada cagta Faransiiska waligiis kuma guulaysan ciyaar ka tirsan koobka European Championship kulan aanay ciyaarneyn Michel Platini  oo caan ku ahaa xiligii uu ciyaari jirey Diiqii reer France iyo xidiga asalkiisu ka soo jeedo Al-Jeeriya ee Faransiiska u dhashay Zinedine Zidane.

===============================================================

Ukraine oo ilkaha ka siibtey Sweden oo wada laacibkeeda Ibrahimovic

Garoonka Olympic Stadium ee magaalada Keiv ee caasimada wadanka Ukraine oo ka mid ah wadamada martigalinaya koobkan EURO 2012 waxaa shaley ka dhacdey mid ka mid ah kulamadii ugu xiisaha badnaa koobkan, maadama Ukraine ay ka tahay marti galiyaha Poland  la qaybsanaya qabashada kulankan isla markaana ay isku group yihiin kooxaha Faransiiska iyo England oo kulankii ka horeeyey kan barbardhac 1-1 ah galay.

Garoonka Olympic Stadium waxaaxaley soo xaadiray 70 kun oo taageerayaasha Swedisha iyo Ukraine isugu jira, iyadoo labada dal taageerayaashadu aan lakala garan karin maadama ay isku dhawdahay maaliyada ay ku ciyaaraan ee Jaalaha ama hurdiga ah, taasi oo garoonka oo dhan ka dhigtey midabka Jaalaha.

Weeraryahanka kooxda AC Milan ka tirsan ee u dhashay Sweden Zlatan Ibrahimovic balse Abaahiis uu ka soo jeedo Muslimiinta Bosnia, hooyadiina Croatia ahna haweenay Kirirshtaan ah kuwaasi oo sanadkii 1977-kii wadanka Sweden ku soo galay magangalyo qaxooti ayaa siiyey xulkiisa Sweden goolka hogaaminta kulanka daqiiqadii 52-aad.

Balse sadex daqiiqo kaliya kubad madaxa uu la helay ciyaaryahanka Andriy Shevchenko uuna ku hubsadey shabaqa Sweden ayaa ka dhigay natiijada 1-1 kaasi oo sawaxan iyo sacab qaylo ku laran tahay ka dhaliyey garoonka Olympic Stadium.

Shevchenko oo 35 sano jir ah xaley wuxuu u noqdey mar kale geesi wadankiisa ka dib markii 7 daqiiqo goolkiisii rajada Ukraine galiyey uu ku darey mid kale oo isla madaxa ah kaasi oo hogaanka ciyaarta u dhiibay xulka martida loo ahaa ee Ukraine sidaasina kaga dhigay natiijada ciyaarta 2-1.

Shevchenko oo laga aaminsanaa doorashada uu doortey tababare Oleg Blokhin in uu dhacay qalad hadana natiijada caaqibada leh ee uu soo hoyay xulkiisa waxay sidoo kale ka dhigaysaa in uu sii dheeraystey rikoorkiisa gooldhalinta dalkiisa isagoo 109 kulan ku dhaliyey 48 gool.

Sweden waxay isku dayday inay dib u soo fuusho tareenka ciyaarta iyadoo kubado halis ah oo ay la beegsadeen goosha Ukraine uu xabadka u dhigtey goolhahaye Pyatov.

Ciyaaryahanka Johan Elmander oo badal lagu soo galiyey dhamaadkii ciyaarta daqiiqadihii ugu dambeeyey wuxuu helay dhawr fursadood oo Sweden ay ku heli laheyd barbardhac balse nasiibka ayaan siin, waxaana sidaasi ay ku noqotey natiijadu 2-1 oo ay ku badiyeen xulka Ukraine oo haatan sadex dhibcood ku hogaaminaya group-ka C.

Ku darso intaad ka ogtahay

Andriy Shevchenko oo wadankiisa xaley u ahaa geesi qaali ah lambarka 7 ee uu xiran yahay waxaa la sheegay in uu u doortey magaciisa marka la soo gaabiyo ee laga dhigo Sheva wuxuu macna ahaan ka noqonayaa luuqada Hebrow ee Yuhuuda lambar 7, arintaasi oo loo qaatey in uu dhaqan ahaan u dhaw yahay Yuhuuda.

Shevchenko waa gooldhaliyaha sadexaad ee koobanka Yurub isagoo ay ka horeeyan Raul and Ruud van Nistelrooy).

Andriy Shevchenko waxay is qaban haweenay dharka xayeysiisa oo Mareykan ah balse labadoodu luuqada ay isku fahmaan waa Talyaaniga maadama Shevchenko aanu aqoon luuqada Ingiriiska balse haatan uu wado barashadeeda.

Andriy Shevchenko 14 jir ayuu ku bilaabay ciyaaraha kubada cagta, Aabihiis wuxuu ahaa askari ka mid ahaa ciidamadii midowgii Soofiyeeti intii aanay Ukraine noqon dal madaxbanaan sanadkii 1991, burburkii midowgii soofiyeeti, waxaana Shevchenko Aabihiis uu ahaa darawal Taangi ama dabaabaadka dagaalka.

Mowliid Xaaji Cabdi
mowliid.haji@allsbc.com

One Response to Faahfaahinta kulamadii Group D(Wararkii ugu dambeeyey EURO 20212+SAWIRO

  1. shevchenco says:

    kkkkk aad ban ugu farxay karbaashkii ku dhacy sweden waayo habro badan ayaa manta meel walbo ka qeelin lahaa ee waxaan idin oranayaa bataatigiina iska cuna kkkkkkkkkkkkk

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

ARTICLE TOOLS
Share to Facebook Share to Twitter Email to friend Print
NEWS IN ENGLISH
WARARKII