Marxuum Axmed Cilmi (Axmed Gaatax) oo ahaa gudoomiyihii xaafada Israac ee magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa caawa la diley.

Dilka marxuumka ayaa waxaa dhacay wax ka yar salaadii maqrib ee caawa waqtiga geeska Afrika waxaana dad goob joogayaal ah ay u sheegeen SBC in marxuumka uu ka soo baxay masjidka uu ku tukuday salaada maqrib ka dibna uu u soo dhaqaaqay dhanka gurigiisa halkaasi oo uu ka afuri lahaa waxaase lagu diley kadinka hore ee guriga.

Dilka marxuum Axmed Gaatax ayaa waxaa geystey nin ku hubyasnaa baastoolad kaasi oo la sheegay in ka baxsadey goobta dilku ka dhacay.

Falkan lagu diley gudoomiyhii xaafada israac ee magaalada Muqdisho ayaa noqonayaa kii ugu dambeeyey dilal mudooyinkii ugu dambeeyey loo geysanayey masuuliyiin ka tirsan maamulka deegaanka, culuma’udiin, waxgarad, aqoonyahano & saraakiil.

Deeqo Nuur Faarax (Billan)
SBC News Desk Gaalkacyo