Galabta goor gaaban oo ay qoraxdu sii dhacaysay ayay ahayd mar kii hal mar laga wada maqlay magaalada Garoowe ee caasimada dowlada Puntland qarax aad u xoog badan kaasi oo la sheegay inuu ahaa mid lagu aasay  wadada laamiga ah dhinaceeda iyadoona aan la ogayn ilaa iyo hada cida kadanabysay qaraxaasi .

Qaraxaana ayaa sababay dhaawaca afar ruux oo rayid ah oo ka agdhawaa halka qaraxu ka dhacay iyadoona sida ay ii xaqiijiyeen saraakiisha caafimaadka ee isbitaalka guud ee magaalada Garoowe oo  loola cararay dhaawacyadaasi ay geeriyoodeen laba ka mdia dhaawacyadii la keenay isbitaalka .

Durbadii waxaa soo gaaray goobta uu qaraxu ka dhacay ciidamada ammaanka oo durbadiiba xiray halkii qaraxu ka dhacay iyagoona dadka ka celinyay bilaabayna baaritaano ku aadan arrintaani .

Qaraxaani ayaa ka dhacay wada laamiga ah ee dhexmarta magaalda garoowe ee caasiamda dowlda Puntland gaar ahaan isgoyska loo yaqaan bulsho .

Goob jooge ka ag  dhawaa halka qaraxu ka dahcay ayaa sheegay inuu maqlay jugta qaraxa isagoona xusay inuusan arkayn cidda ka danbaysay qaraxaasi balse uu arkayay oo kaliya nin markaasi dhaawac ahaa oo yaalay halka uu qaraxu ka dhacay isagoona intaasi ku daray in dadka kale ee dhaawacu soo gaaray ay fiririradu ugu tageen dhinaca shishe ee wada laamiga ah taasi oo muujinaysa  awooda qaraxa oo ahaa mid aad u  xoogan.

Laamaha ammaanka ee gobalkanugaalayaa sheegay inay  wadaanbaaritaanokuaadan arrinkaaniayna u sooban dhigi doonaan natiijada kasoobaxda baaritaanadaasiwarbaahinta qaybaheeda kala gadisan.

Qaraxaani ayaa ku soo beegmaya saacada uun ka hor markii baraxada wayn ee magaalada garoowe ay kadhacaday xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay taasi oo lagu maamuusayay sanad guuradii 13aad ee ka soo wareegatay asaaskii dowlada Puntland oo haatan 13sano jirsatay uuna ka soo qayb galay madaxwaynaha dowlada Puntland Dr.C/rixmaan Sheekh Maxamed Maxamuud F(aroole) ,iyadoona maalmihii ugu danbeeyay si wayn loo adkeeyay ammaanka caasimada .

 Yuusuf M Maxamuud (Yuusuf Yare)
SBC International Garoowe