Wafdi Mareykan ah oo uu hogaaminayey Senetor Mark Kirk oo ka tirsan xisbiga mucaaradka ee Mareykanka ee Jamhuuuriga (Republican) ayaa maanta socdaal aan horey loo sii shaacin oo kadis ah wuuxu ku tagey magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari halkaasi oo kulamo ay kula yeesheen madaxda Puntland.

Senetor Mark Kirk oo ah mudane laga soo doorto gobolka Illinois ee wadanka Mareykanka ee horey looga soo dooran jiray Madaxweyne Obama ayaa xarunta madaxtooyada ee Magaalada Boosaaso wuxuu kulan alabaabadu u xiran yihiin kula yeeshay Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Faroole iyagoo ka wadahadaley arimo fara badan.Kulanka Faroole Mark Kirk oo aan saxaafada loo ogolaan ayaa warar ku dhaw dhaw xafiiska madaxweynaha waxay sheegayaan in looga hadley arimo quseeya siyaasada Mareykanka ee Soomaaliya gaar ahaan xaaladaha siyaasada & amaanka.

Warar SBC ay ka heshay ilo wareed oo ku dhaw xarunta madaxtooyada Puntland ayaa sheegaya in kulankaasi diirada lagu saaray arimo siyaasadeed oo ka mid ah qorshaha Mareykanka ee loogu magac darey dual-track policy ama siyaasada labada waji ee ku aadan in Mareykanku uu taageero siinayo dawlada FKMG ah ee Soomaaliya & maamul goboleedyada dalka ka jira, iyadoo sidoo kale wararku sheegayaan in kulankaasi lagu lafa guray mowqifka Puntland ee ku aadan aayaha DFKMG ah ee Soomaaliya iyadoo Puntland muujisay sida ay ugu adkeysanayso in doorashooyinka madaxweynaha la qabto xiliga loogu tala galay oo aan dib loo dhigin.

Warku wuxuu intaasi ku darayaa in kulankaas sidoo  kale looga hadley arimaha burcad badeeda ee ka oogan xeebaha Soomaaliya iyo sidii Puntland si buuxda uga qayb qaadan laheyd hawlaha la dagaalanka burcad badeeda.

SBC News Desk