Waxaa maant siweyn logu soo dhaweey magaalada Boosaaso ee Xarunta gobolka Bari Raiisulwasaarihii hore ee Dowlada Soomaaliya Xildhibaan C/wali Maxamed Cali Gaas waxaana soo dhaweynta xildhibaanka ka qeybgalay Qeybaha Bulshada Sida Waxgaradka Cuqaasha Isimida iyo Siyaasiin hore.

Wefdiga C/wali Maxamed Cali gaas ayaa saaka ka soo kicitimay Magaalada Qardho ee Xarunta Gobolka Karkaar waxaana ay soo mareen Degmooyink iyo Tuulooyin kala duwan oo ku yaala inta u dhaxeysa Magaalooyinka Boosaaso iyo qardho waxaana halkaas loogu soo dhaweeyay wefdiga Proff Gaas siweyn.

Marki uu soo gaaray Duleedka Magaalada Boosaaso gaar ahaan agaagarka Tuulada Faluuja waxaa kaga hortagay Cuqaal iyo waxgaradka Gobolka Bari kuwaasi oo uu raiisul wasaarihii hore halkaas ku gacan qaaday isaga oo ay ka muuqato Farxad

Wefidga Proff gaas ayaa waxaa loo soo galbiyay dhinaca Magaalada Boosaaso iyadoo ay dadweyne Farabadan ku sugayeen Kaantaroolka Magaalada Boosaaso iyo sidoo kale Masuuliyiinta Maamulka Gobolka Bari iyo Kan degmada Boosaaso waxaana uu Mr C/wali sidii kale halkaas ku salaamaya shacab farabadan oo iskugu jiray Haween Dhalinyaro iyo qeybaha Bulshada

Soo dhaweynta Wefidga raiisul wasarihii hore ee Soomaaliya C/wali Maxamed Cali gaas ayaa waxaa loo galbiyay Hoyga u ka degi lahaa Magaalada Walow intuu ku sii socday uu dadweynaha ka salaamaya gaarigii u saarnaa oo dhexmarayay Bartamaha Magaalada Boosaaso.

Markii uu gaaray Halkii loogu talagalay inay ku nastaan wefdiga Proff gaas ayaa waxaa ka hadlay Duqa MAgaalada Bosaso Xasan Cabdalla Xasan isaga oo sheegay inay Maamul ahaa ku soo dhaweynayaan Degmada Boosaaso kuna faraxsan yihiin imaashiyaha Xildhibaan C/wali Maxamed Cali

Dhinaca kale Gudoomiyaha gobolka Bari C/samad Maxamed Galan ayaa isna halkaas ka sheegay in ay maamulka Gobolka Bari ahaan ku soo dhaweynayaan Proff gaas Magaalada Boosaaso iyo Gobolka Bari guud ahaan ayana ku amaanayaa doorkii u ka soo qaatay Taariikhada isbadelka Soomaaliya

Raiisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Mr Gaas ayaa waxaa uu ka sheegay Kulanka uu ku qabtay Magaalada Boosaaos inuu ku faraxsan yahay inuu Yimaado Magaalada Boosaaso uuna waqti siiyo Shacabka reer Boosaaso isaga oo sidoo kalena sheegay uu kulamo kala duwan la qaaadan doono Qeybaha Bulshada.

Proff Gaas weli ma sheegin Deegaanada kale ee uu booqan doono waxaase uu xusay inuu wadi doono Safarkiisan u ku marayo Deegaanada Maamulka Puntland   

Sawiro