Kooxo hubeysan oo soomaali ah ayaa waxaa ay ka soo afduubteen Xuduuda Somaaliya iyo Kenyalaba haween ah oo u dhashay wadanka Spainkuwaasi oo u shaqeynayay Hayada Medecins Sans Frontieres (MSF).

Dhaqaatiirta la afduubtay laga kaxaeystay Deegaanka Dhabaab ayaa waxaa  aan weli la ogeyn halka lala aaday Dadkaasi la afduubtay waxaana soconaya Dadaalo xoogan oo lagu doonayo Samatabixinta Dadkaasi oo ay wadaan Ciidamada amanaka Kenya.

War ka soo baxay hayada MSF ayaa lagu sheegay in afduubkaasi uu dhacay iyadoo darawalkii gaariga ku waday kooxdan MSF u shaqeyneysay uu dhaawacmay ka dib markii ay tacshiirad ku fureen Dableyda afduubka geystay.

Masuul ka ugu sareeya Hayada MSF Jose Antonio Bastos  ayaa waxaa uu siweyn u canbaareyay weerarkan afduub isaga oo ku tilmaamay inay geysteen kooxo manaxayaal ah oo aan u damqaneyn walaalahooda dhibaateysan ee la caawinayo.

Saraakiisha Booliiska Kenya ayaa docdooda iyaguna sheegay inay wadaan baaritaano xoogan oo ku aadan sida xaalada wax looga qaban karo waxaana iminka soconaya dadaalo kala duwan oo ku aadan in kooxahaasi laga xiro dhamaanba marinada ay lamarin karaan iyado ciidamo la soo dhoobay Wdooyinka oo dhan.

Sarkaalkan Booliis ee dowlada Kenya u hadlay waxaa uu sheegay inay Diyaarado iyo gadiidba ka qeyb qaadanayaa baadigoobka dadka la qafaashay ee U shaqeeynayay hayada MSF oo caawineysay Dad Somaali ah oo xaalad qalafsan ku haysato xerooyinka Kenya.

SBC International Monitoring