Faahfaahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaysa weerar dhimasho & dhaawac dhaliyey oo maanta ka dhacay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka bari, weerarkaasi oo ay geystey dabley hubaysan.

Ugu yaraan 2 qof oo rayid ah ayaa dhintey 2 kalena dhaawac ayaa ka soo gaarey weerarkaasi oo ka dhacay bartmaha magaalada Boosaaso, waxaana la xaqiijiyey in weerarkaasi labada nin ee ku dhimatey inay ka mid ahaayeen hawlwadeenada shirkada ganacsiga ee Red Sea ee magaalada Boosaaso.

Goobjooge ku sugnaa agagaaraha dilku uu ka dhacay oo ku dhaw Hotel Nakhiil ayaa sheegay in ragga la dilay ay luganayeen, wadada laamiga halka dadka dhaawaca ahna ay qabsatey rasaastii ay fureen dableyda dilka geysatey.

Dadka dhaawaca ah ayaa la soo sheegayaa in mid ka mid ah xaaladiisu ay liidato, waxaana haatan lagu dabiibayaa Isbitaalka magaalada Boosaaso .

Dilkan wuxuu ku soo aadayaa iyadoo todobaadkii hore magaalada Boosaaso lagu diley Taliyihii hore ee ciidamada Daraawiishta Puntland Col. Axmed Xaaji Doon (Tiibo-Tiibo) oo ay dileen kooxo hubaysan.

Dilkan saaka ka dhacay gudaha magaalada Boosaso ayaa la aaminsan yahay in uu salka ku hayo falal aano qaabiil oo mudooyinkan u dhaxeysay beelo wada gobolka Bari.

Keyse Caamir
SBC News Desk