Warar faahfaahsan ayaa ka soo baxaya hawlgal ay fuliyeen ciidamada isku dhafka ah ee Midowga Yurub ka socda ee EU NAVFOR ee hawlgalla la dagaalanka burcad badeeda ka wada xeebaha Soomaaliya, kaasi oo ay ka fuliyeen xeebaha gobolka Mudug ee bartamaha Soomaaliya, weerarkaasi oo waxyeelo ba’an sida ay sheegeen ciidamada EUNAVFOER ay ugu geysteen dad ay ku sheegen in ay yihiin burcad badeed.

Hawgalkan oo ka dhacay aroornimadii hore ee Talaadada xeebaha degmada Xarardheere ee gobolka Mudug ayaa Rear Admiral Duncan Potts oo ah madaxa hawlgalada EU NAVFOR wuxuu ku macneeyey in uu bilow u yahay hawlgalo xiriir ah oo ay doonayaan inay kula dagaalamaan kooxaha burcad badeeda badda iyo bariga, isagoo ku nuuxnuuxsadey in tani ay daba joogto ogolaanshihii dawladaha Midowga Yurub isku raaceen in burcad badeeda dhulka lagula dagaalamo, go’aankaasi oo soo baxay bishii March ee sanadkan.

Weerarkan oo ay ka qayb qaateen diyaaradaha khumaatiga u kaca ee loo yaqaan Helicopters iyo maraakiibta dagaalka ayaa wuxuu ka dhacay tuulada Xandulle oo 13km u jirta degmada Xarardheere ee gobolka Mudug, halkaasi oo lagu tilmaamay mid ka mid ah saldhigyada ugu waa weyn ee kooxaha Shufto Badeeda Soomaalida.

Warar SBC ay ka heshay ilo wargal ah oo ku sugan degmada Xarardheere oo ka gaabsadey in la xuso magacooda sababo xasaasiyada warkan uu leeyahay ayaa xaqiijiyey in hawlgalka uu dhacay 2:30 ilaa 3-dii habeenimo ee galinta dambe.

Ilo wareedka waxay xaqiijiyeen in 13 nin oo burcad badeed ah kana tirsan kooxda Guushaaye oo ah kooxda haysata Markabka Albedo ee laga leeyahay dalka Maleysiya ayaa xerada ay ku leeyihiin xeebta waxaa duqeyn u geystey diyaaradaha Khumaatiga u kacam, waxaana halkaasi ay ku burburiyeen doonyaha dheereeya.

“Inagoo iska fadhina oo qayilayna ayeynu maqalney guuxda diyaaradaha, saaxiibadey waxay ku carareen doonyaha dheereeya waxayna fuuleen markabka Albedo, halkaasi Duqeynta waxaa ku burburay sadex doonyaha dheereeya, afar Jaranjaro & qalab kale” ayuu yiri nin magaciisa ku soo koobay Cumar oo sheegay in uu ka mid yahay burcad badeeda oo SBC xog waran kooban siiyey.

Axmed Jaamac oo ka mid ah duqeyda dhaqanka ee Degmada Xarardheere oo aynu la hadalnay wuxuu inoo sheegay weerarka in markii hore ay u qaateen burcad badeeda oo dhexdooda dagaalamay, balse ay ka warhaleen in diyaarado dagaal ay ka qayb qaateen isla markaana qalab kala duwan burburay.

Hawlgalkan ayaa waxaa la sheegay in ay fuliyeen sagaal wadan oo qayb ka ah hawlgalka Midowga Yurub iyadoo la qaaday ka dib todobaadyo la wadey hawlo sirdoon oo hawada sare laga fuliyey.

SBC News Desk