Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya lacag malaayiin doolar ah oo lagu qabtey garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho, taasi oo ay gacanta ku hayaan Taliska ciidamada Booliska dowladda KMG Soomaaliya.

Lacagtan ayaa la sheegay in ay gaarayso $ 3.6 oo doolarka Mareykanka ah, waxaana lagu qabtey diyaarado ku soo degay garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho sida uu sheegay Burhaan Maxamed oo ka mid ah taliyeyaasha ciidamada Booliiska Dawlada KMG ah .

Mid ka mid ah diyaaradaha oo ku sugan garoonka Muqdisho

Burhaan wuxuu sheegay in qorshuhu uu ahaa in lacagtan la iskugu wareejiyo labada diyaaradood, isagoo sheegay in lacagtaasi ay aheyd mid ku socotey kooxaha burcad b badeeda Soomaalida, inkastoo afhayeenka ciidamada Booliiska Soomaaliya Gaashaanle sare C/laahi Xasan Bariise oo galabta shir jaraa’id ku qabtay garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho aysan kala cadeyn halka lacagtaasi ay ka timid iyo meesha ay ku sii jeeday.Warar SBC ay ka hesho ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in lacagtaasi ay wadeen dad ajanabi ah oo aan ilaa iyo hada dhalashadooda aan si buuxda loo xaqiijin, kuwaasi oo tiradoodu dhan tahay 6 qof.

Bangiga dhexe ee Soomaaliya ee lacagta la dhigay

Taliska ciidamada Booliiska waxay sheegeen in lacagtaasi la geeyey bangiga dhexe ee Soomaaliya, iyadoo baaritaan lagu sameyn doono cida iska leh lacagtan iyo meesha ay ka timid.

Diyaaradaha oo lagu hayo garoonka diyaaradaha Muqdisho

Warar ayaa sheegaya in lacagtan ay ku socotey kooxaha burcad badeeda Soomaalida, iyadoo labada diyaaradood ay isku badalayeen lacagtaasi xiligii la qabanayey taasi oo lagu sheegay shixnad balse baaritaan la sameeyey lagu ogaadey in ay tahay lacag malaayiin doolar ah.Caadiyan kooxaha burcad badeeda Soomaalida waxaa lacagaha loogu gudbin jirey siyaabo kala duwan oo ay ka mid tahay in dusha diyaarad khumaatiga u kacda ay kor uga tuurto iyo in loogu geeyo dooni, balse talaabadan waxaa la sheegay in ay tahay hab cusub oo aan horey loo arkin oo lacagaha la iskugu gudbinayo.

Xuquuqda Sawirada: Shabele Radio

SBC News Desk