Warar faahfaahsan ayaa ka soo baxaya dilka xildhibaan Aadan Buulle Maxamed oo ka tirsanaa Baarlamanka DKMG Soomaaliya oo maanta lagu diley magaalada Muqdisho ee caasimada ah.

Xildhibaanka ayaa waxaa lagu diley degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho, waxaana la sheegay in dilkiisa ay ka dambeeyeen maleeshiyo deegaankaasi ka soo jeeda kuwaasi oo muran uu dhexmarey xildhibaanka geeriyoodey.

Xildhibaan Aadan Buulle Maxamed ayaa dhawr maalmood ka hor wuxuu ka yimid magaalada Nairobi ee caasimada Kenya wuxuuna ku sugnaa Muqdisho mudo afar maalmood ah, isagoo u yimid arimo la xiriira guri uu lahaa oo ku yaal degmada Wadajir.

Warar SBC ay ka heshay ilo wareed oo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in xildhibaanku uu saaka aaday guri uu halkaasi kulahaa kaasi oo ay haysteen maleeshiyo beeleed ka soo jeeda deegaanka degmada Wadajir waxaana muran ka dhashay guriga uu dhexmarey maleeshiyada iyo marxuumka isagoo dadka gurigii deganaa u sheegay in uu baahan yahay gurigiisa oo ay si deg deg ah uga guuraan hadii kalena uu xoog uga saari doono, balse markii uu ka soo tagey kooxdaasi ayaa waxaa ka daba yimid rag ku hubaysnaa baastoolado kuwaasi oo rasaas madaxa kaga toogtey waxaana soo gaaray dhaawac halis ah kaasi oo uu markii dambe u geeriyoodey.

Marxuum Aadan Buulle Maxamed ayaa ka soo jeeda gobolka Gedo wuxuu xildhibaan ka soo noqdey goleyaal baarlaman oo Soomaaliya soo marey sanooyinkii ugu dambeeyey, wuxuu ka mid ahaa xildhibaanadii dawladii uu madaxweynaha ka ahaa Cabdiqaasim Salaad Xasan ee lagu soo dhisey dalka Jibuuti sanadkii 2001-dii, sidoo kale wuxuu ka mid noqdey dawladii uu madaxweynaha ka ahaa C/laahi Yuusuf ee sanadkii 2004-tii lagu soo dhisay dalka Kenya, ugu dambeyn wuxuu noqdey xildhibaan ka tirsan Baarlamanka KMG ee la balaariyey sanadkii 2009-kii ee lagu soo doortey Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Marxuum Aadan Buulle Maxamed wuxuu dawladii hore ee Maxamed Siyaad Barre madaxweynaha ka ahaa uu ka noqdey gudoomiye gobol, waxaana dadka yaqiin ay ku tilmaameen in uu ahaa nin reero dhib aan aheyn oo aad u dabeecad wanaagsanaa isla markaana shakhsi ahaan aad u qiimo badnaa.

C/risaaq Cismaan Axmed
SBC Muqdisho