Shan maalmood in ku dhow ayaa laga joogaa xilligii dooni saxiimad ah ay ka baxday dekeda Magaalada boosaaso taasoo ku sii jeeday deegaanka Xaabo oo boosaaso kaga beegan dhinaca Barri waxaana saxiimadaasi saarnaa 4 Qof oo laba ka mid ah ay ahaayeen dumar wiil yar iyo Naaquudihii doonidaasi waxaa kaloo saarnaa Qaad loo iibgaynayay deegaanka qaniga ah ee Xaabo iyadoo ay bada ka jirtay dabaylo aad u xoogan oo markaasina ay sababtay in la waayo dadkaas iyo doonidii halka ay jaan iyo cirib dhigeen.

Maxamed Saciid Mingiste oo isagu ka mid ah naaquudayaasha boosaaso ayaa warbaahinta SBC uga sheekeeyay waxa sababay in la waayo doonidaas isaga oo sheegay in ay jirto naaquudayaal Ku qamaara naftooda iyo dadka kale si ay u helaan dhaqaale waxaa kaloo mingiste uu tibaaxay In Wasaarada kaluumaysiga puntland ay tahay magac u yaal oo aysanba ogayn doonyaha baxaya iyo kuwa soo gelaya xiliyada ay jiraan dabaylaha.

Mingiste ayaa sidoo kale sheegay in loo malaynayo doonidaas la layahay ay sababtay dabaylahaas oo ay ku caaryi karaan meelo aad uga fog xeebaha gobolka barri inkastoo Uu Sheegay war aan la hubin in dadkaas ay ku caaryeen xeebaha Ceelaayo Iyo Laas qoray.

Ugu danbayntii arinta doonidan ayaa ku soo aadaysa xilli dabaylo xoogan ay ka jiraan Bada iyo Bariga taasoo in badan qasab ku noqota gaadiidka bada ee galaya ama ka baxaya dekeda Boosaaso in ay hakiyaan safarkooda inta ay bada ka dagayso.

Maxamed Cali Iimaan
SBC International Bosaso