Faah faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxeysa Ciidamo ka tirsan Dowladda KMG ah oo maanta dad barakacayaal ku xasuuqay  xerada Badbaado ee duleedka magaalada Muqdisho, iyadoo uu sii kordhayo qasaaraha ka dhashay rasaas aan loo aaba yeelin oo ay ku xasuuqeen,  xilli Ciidamada Dowladda ay dhac u geysanayeen Raashin mucaawino ah oo xeradaas laga qeybinayay.

Inta la ogyahay waxaa weerarkaasi arxan darada ah ku geeriyoodey 11 qof waxaana sidoo kale ku dhaawacmey tiro kale, iyadoo dhacdadan ay ka dhalatey ka dib markii ciidamo ka tirsan dawlada KMG oo doonayey inay dhac u geysteen raashin hay’adda WFP ugu tala gashay dadka xeradaasi ku jira ay ka difaaceen ciidamo kale oo ka tirsan dawlada, waxaase laga awood badnaadey oo la buurtey ciidamadii isku dayey inay difaacaan raasghinka.

Warka ayaa wuxuu intaasi ku darayaa ciidamadii dhaca & dhimashada ka geystey xeradaasi ay horey u sii wateen laba baabuur oo ak buuxeen raashinkii loogu tala galay dadka dhibaateysan ee gobolada dalka uga soo cararay Gaajada & oonka.

Xaalada Xerada Badbaado ayaa goor dambe caadi ku soo laabatay, kadib markii saraakiil ka tirsan Ciidamada Booliska, iyo Ciidamo isugu jiray Milateri, Boolis iyo PS-ta ay gaareen goobtaas, inkastoo ka hor intii xaalada kacsaneyd ay goobta ka carareen dadkii barakacayaasha ee la dejiyay Xerada.

Talaabadan ay ku dhaqaaqeen ciidamada aan tababarka iyo dishipiliinka laheyn ee dawlada KMG ayaa muujinaysa sida ay baylahda ugu jiraan dadka baahan oo ay isagu darsameen abaaro, colaado xukun doon ku saleysan oo ay wadaan kooxaha isku haya awooda dalka & jawaheerka siyaasadeed ee dalka la degay.

Axmed Aar
SBC Muqdisho