Wararka laga helayo Deeganka Sool joogto oo ku yala Duleedka Gobolka Cayn ayaa ku waramaya in xaalada Deegaankaasi ay tahay Mid ay ka jirto xiisad dagaal oo u dhaxeysa CIidamada Maamulka la magac baxay Somaliland iyo Ciidamada Deegaanka ee taageersan Khaatumo State.

Wararka ugu danbeeyay ee deegaankaas laga helayo ayaa ku waramaya in khasaare uu ka soo garay labada dhinac ee dagaalamay wallow dhaawaca Ciidamada Deegaanka Buuhoodle la geeyay Isbitaalka Magaaladaas kuwaasi oo gaaraya 13 qof.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Deegaanka ee Dagaalka la galay Maamulka Somaliland ayaa sheegay in dagaalkaasi ay ku soo qabteen 6 maxbuus oo mid ah ciidamada Somaliland iyo Dhaawac sadex askari oo la geeyay Isbitaalka Buhoodle.

Dhinaca kale waxaa Magaalada Buuhoodle lagu soo bandhigay Gawaariada Dagaalka oo ay saaranyihiin Qoryo dagaal oo laga soo qabtay CIidamada Somaliland kuwaasi oo ay ciidamada Deegaanka Buuhoodle sheegeen inay ku soo qabteen dagalkii saaka ka dhacay Deegaankaas.

Dagaalka oo ah mid weli soconaa ayaa waxaa si weyn looga dareemaya Deegaanada SSC waxaana dhinacyada Dagaalamaya soo gaaraya Gurmad kala duwan oo aad u hubeysan Xiisada Dagaal ee Deegaankaas ka jirta ayaa ah mid cirka ku shareeran.

SBC International Monitoring