Dooni u rarneyd ganacsato reer Puntland ah ayaa habeenimadii xaley ku degtey duleedka dekada magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ka dib makii mowjado dabeyl ah ay ku dhufteen.
Doonidan ayaa lagu magacaabaa AL-CABUUD  waxaana laga lahaa wadanka Pakistan waxay ka soo ambabaxdey wadanka Cumaan iyadoo alaabo kala duwan u wadey magaalada Boosaaso, alaabahaasi oo ay iska lahaayeen shirkado waa weyn oo fadhigoodu yahay Boosaaso.

Wasiirka Amniga Puntland Khaliif Ciise Mudan ayaa sheegay in doonidan markii ay ku soo dhawaatey xeebta magaalada Boosaaso ay ku dhufteen dabeylo xoogan taasi oo keentey inay jihadii ka dhunto ayna dhagaxaanta badda ee Jamalada ku dhacdey, waxaana uu sheegay in doonidii ay u kala jabtey laba cad, isla markaana biyo xoogan ay soo galeen taasi oo keentey inay badda ku dhex degto.

Dhamaan shaqaalihii saarnaa doonidaasi oo u dhashay wadanka Pakistan ayaa la soo badbaadiyey, waxaase la caymin hantidii doonidaasi saarneyd, iyadoo gurmad xoogan la isku dayey balse aanay suurtagalin in doonida la badbaadiyo.

Maxamed Cali Iimaan
SBC International Bosaso