Burcad badeeda Ssoomaalida oo siideysay Maalintii arbacada Markab Ganado o laga leeyahay wadanka Singaporean iyaga oo diiday inay siidaayaan 4 shaqaale oo kuuriya ka soo jeeda kuwaasi oo la socday Markabka ay siidaayeen Burcad badeeda Soomaaalida

Shirkada Markabka leh ee Glory Ship  ayaa sheegtay in kooxaha Soomaalida ee qafaalatada ah ay ka baxeen balantii ay markii hore la galeen shirkada oo ahayd inay siideynayaa dhamaan shaqaalaha Saaran markabka oo dhan

Kooxaha Burcad badeeda Soomaalida ayaa siidayay Markabka MT Gemini iyo 21 Shaqaale ah oo u kala dhashay wadamada 13 Indonesian ah, 5 Chinese ah iyo 3 Burmese ah iyaga oo diiday inay siidaayaan 4 kale oo u dhashay wadnaka Koonfur kuuriya

Burcad badeeda Soomaalida oo dhinaca Beriga la aaday Afarta shaqaale ee Kuuriyaanka ah ayaa dalbatay in la bixiyo Magtii burcad badeed Bishii july lagu dilay markabka Sahmo Jewelry oo ay ciidamada Kuuriya xoog ku soo furteen iyaga oo ku dilay Burcad Soomaali ah kuwo kalena xirxiray waxaana dalabka Burcad badeeda ay soo jeediyeen uu yahay in la siidayo kuwa xiran lana bixiyo kuwa la dilay xaquuqdooda.

Shirkada markabka shaqaalihiisa qaar la haysto ayaa sheegtay inay ku dadaali doonto samatabixinta Shaqaalaha laga haysto ee u qafaalan burcad badeeda Soomaalida.

Markii ugu horeysay oo dhacdadan oo kale ay dhacdo in burcad badeed Soomaali ah ay ka baxaan balan ay la galeen shirkadaha iskaleh maraakiibta ay ka soo qafaashhaan Xeebaha ka baxsan Dalka Soomaaaliya.

SBC International Monitoring