Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya duqeymo dhanka cirka ah oo ka dhacey gobolka Mudug ee bartamaha Soomaaliya, kaasi oo ay geysteen ciidamada shisheeye ee hawlgalka la dagaalanka burcad badeeda ka wada xeebaha Soomaaliya & baddaha ku xeeran.Weerarkan oo ay fulisey diyaadad nooca khumaatiga u kaca ee loo yaqaan Helicopter ayaa ka dhacay xeebta degmada Hobyo ee Gobolka Mudug, waxaana inta la ogyahay ku dhintey ugu yaraan 4 qof, waxaana sidoo kale ku dhaawacmey 6 qof oo sida la sheegay u badnaa kooxaha shufto badeeda, inkastoo uu jiro war sheegaya in dadka la dilay ay ku jirtey haweenay.

SBC oo xiriir dhanka Isgaarsiinta ah la sameysay dad ku dhaqan degmada Hobyo ayaa naloo xaqiijiyey dhimashada & dhaawaca weerarkaasi ka dhacay, iyadoo saaka degmada Hobyo lagu aasay meydadkii dadkii ku dhintey weerarkaasi.“Waxaan maqley laba qarax & rasaas mudo socotey oo ka dhacaysay dhanka badda ka dibna waxaan aragnay holac ka baxaya dooni taagneyd dhanka badda, waxaana ka warhelnay guuxa diyaarad dul heehabaysa halka uu ka dhacay weerarka, waxaana dareenay xaalad argagax ah anagoo la baqnay nafeena” sidaasi waxaa u sheegtey SBC Istaahil Taawil oo ka mid ah dadka ku dhaqan degmada Hobyo.Yusuf  Faarax oo ka mid ah kaluumaysatada degmada Hobyo ayaa u sheegay  SBC in doonida la wareeray ay aheyd doonyaha yar yar ee sahayda uga qaada barriga kooxaha burcad badeeda uguna geeyaa maraakiibta ay ku haystaan badweynta, waxaana uu sheegay in dadka la laalay iyo kuwa la dhaawacayba ay ahaayeen dad ka mid ah sida uu sheegay ilaaliada xeebaha Soomaaliya.

Yuusuf ma xaqiijin karo dalka laga leeyahay ama calanka ka muuqan kara diyaarada weerarka geysatey balse wuxuu qiray in diyaarada Helecoptarka ah ay ka soo kacdey markab dagaal oo ka agdhow xeebta degmada Hobyo.

Dhinaca kale Hay’ada caalamiga ah ee Ecoterra International ee ku shaqada leh arimaha deegaanka, xuquuqda aadamaha, & la socodoka dhaqdhaqaaqyada baddaha gobolka ayaa xaqiijisay in habeeniamdii xalaey weerar kale uu ka dhacay xeebaha degmada Hobyo kaasi oo dhacay habeenimadii Khamiista“Diyaarad nooca khumaatiga u kaca oo ay leeyahay ciidamada badda ayaa dib ugu soo laabtey halkii ay ka kacdey ka dib markii laba gantaal ay ridey & rasaas ka dhacaysa qoryaha darandooriga u dhaca kuwaasi oo ay la beegsatey dooni” ayaa lagu yiri warka ka soo baxay hay’ada Ecoterra.

Hay’adu waxay sheegtey in weerarkaasi lagu burburiyey mid ka mid ah doonayaha ay adeegsadaan burcad badeeda, balse waxay sheegtey in weerarkaasi in aanay cidna wax ku noqon.

SBC News Desk