Faahfaahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaysa qaraxii saaka ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, kaasi oo lala eegtey mid ka mid ah taliyeyaasha ciidamada Booliiska Puntland ee gobolka.

Muuse C/raxmaan (Xasaasi)

Qaraxan oo ka dhacay xaafada Garsoor ayaa ahaa miino la dhigey wadada dhinaceeda oo laga hayey remote control ayaa waxaa lagu doonayey in lagu khaarijiyo taliyaha hawlgalada ciidamada Booliiska ee gobolka Mudug Muuse Xasaasi.

Warka ayaa wuxuu intaasi ku darayaa in taliyuhu uu ka badbaadey qaraxaasi, balse waxaa jira warar sheegaya in laba qof oo ka agdhawaa goobta qaraxu uu ka dhacay in ay soo gaareen dhaawacyo yar yar, sidoo kale gaarigii uu watey Taliyaha ayaa waxaa soo gaaray burbur.

Taliska ciidamada Booliiska gobolka Mudug oo SBC u waramay ayaa xaqiijiyey in dad loo soo qabqabtey qaraxan saaka ka dhacay magaalada Gaalkacyo, kuwaasi oo baaritaan lagu hayo isla markaana cadaalada la horkeeni doono.

SBC News Desk