Afar ka mid ah Ciidamada amaanka ee wadanka Kenya ayaa ku dhaawacmay weerar dhexmaray ciidamada Kenya iyo Kuwa Mujaahidiinta Alshabaab kaasi oo ka dhacay xuduuda deegaanka Ceelwaaq ee Gobolka Gedo.

Afhayeenka Ciidamada Milliteriga ee Kenya Emmanuel Chirchir ayaa waxaa uu sheegay in ciidamadooda iyo kuwa Dowlada Soomaaliya ay weerareen Fariismo ay Mujaahidiinta Alshabaab ku leeyihiin Deegaankaas halkaasi oo uu khasaare ka dhashay

Warka ka soo baxay Ciidamada Kenya waxaa kale lagu sheegay in afar ka mid ah ciidamadooda ay ku dhaawacmeen weerarka ay lagaleen Ciidamada Xarakada Alshabaab waxaana uu afhayeenku qiray in mid ka mid ah ciidamadooda uu qabo dhaawac halis ah kaasi oo lagu dabiibayo Xarun caafimaad oo ku taala Magaalada Gaarisa.

Ciidamada Kenya ayaa sidoo kale sheegtay inay dileen Dagaalyahano gaaraya 9 qof oo ka tirsan Ciidamada Alshabaab wallow aanu jirin war ka soo baxay saraakiisha alshabaab oo ku aadan in dagaalkaasi u dhacay iyo in laga dilay dagaalyano.

Afhayeenka Ciidamada Kenya Emmanuel Chirchir ayaa waxaa uu sheegay in sidoo kale sheegay inay qabteen 7 qof oo mid kamid ka mid ah uu yahay Kenyan kuwaasi oo hub u waday sida uu hadalka u dhigay ciidamada Alshabaab.

Ma jirto weli war rasmi ah oo ka soo baxay Xarakada Mujaahidiinta alshabaab oo ku aadan dagaalada ay ciidamada Kenya sheegteen inay ku qaadeen fariisimo ay ku leeyihiin Gobolada koonfureed ee Dalka soomaaliya.

Sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada Kenya ayaa waxaa uu sheegay in dowlada Kenya ay ku weyday shan askari oo keliya tan iyo inta ay bilowdeen howlgalada ay ka wadaan gobolada dalka soomaaliya iyaga oo dhinac kalena sheegay inay ku dileen Boqolaal ka mid ah dagaalyahanada alshabaab

Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab ee Koonfurta dalka soomaaliya ayaa horey u sheegay in dagaaladii ay la galeen ciidamada Kenya ay ku wiiqeen awoodii ay ku soo galeen dalka soomaaliya iyaga oo ka dilay askar farabadan wallow Kenya warkaasi ay beenisay

Sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada kenyanka ah ee iska soo galay dalka soomaaliya ayaa sheegay in xaalada Goobaha ay ka dhaceen dagaalada ugu danbeeyay ay tahay mid cakarin ka dib markii ay halkaasi ka da’een roobab lixaad leh kuwaasi oo hor joogsaday inay ciidamadooda horey u socdaan

Ciidamada Kenya Saacado ka hor ayay ahayd markii ay dowladaha Carbeed iyo QM ka dalbanayeen in laga taageero dagaalka ay ku qaadeen soomaaaliya waxaana soo baxaysa hadalo kala duwan ka imanaya dowlada Kenya kuwaasi oo ku waramaya In Kenya ay awood ku leedahay dagaalka iyo iyadoo caalamka kaalmo weydiisaneysa

SBC International Monitoring