Faahaafinta natiijooyinkii group C (Wararkii ugu dambeeyey EURO 2012)+SAWIRO

Kulamo qayb ka ah koobka xiisaha leh ee EURO 2012 ee ka soconaya wadamada Poland & Ukraine ayaa xaley la ciyaarey iyadoo group-ka C hogaanka ay u qabatey Jamhuuriyada Croatia ka dib makrii ay isku ag dhaceen labada xul ee miisanka culus ku leh dhanka kubada cagta ee kala ah Spain iyo Italy.

Spain & Italy oo is mari waayey (Cesc Febregas oo badbaadiyey kubad wanaagii Spain caanka ku aheyd)

Garoonka Arena Gdansk ee ku yaal magaalada Gdansk ee dhacda badda Baltic-ga waxaa xaley ka dhacdey kulan xiiso leh oo qayb ka ahaa group-ka C ee ka mid ah kooxaysiga u cararaya horyaalka EUEO 212 ee ay wadajirka u martigalinayaan wadamada Poland & Ukraine.

Kulankan xiisaha badnaa ee sida weyn ay u sugayeen dadka xiiseeya ciyaaraha kubada cagta wuxuu dhexmarey kooxaha Spain & Italy ee ka midka ah kooxaha sida weyn loogu qiimeeyo kubada cagta, waxaana garoonkaasi xaadir ku ahaa 43 kun oo daawadayaal ah.

Xidigaha ugu caansan xiligan kubada cagta iyo kuwa ku jira liiska laacibiinta aduunka ee dhanka kubada cagta ayaa kulankaasi ku lugta lahaa waxaana labadan kooxood ay midi qaaday koobkan laba jeer (Spain 1964 & 2008), halka Itaaliya ay qaaday sanadkii 1968.

Xulka Spain ee lagu yaqaan ciyaar wanaaga dhanka baasaska loo yaqaan Tiki-Taka waxaa si ba’an jilibka ugu dhigay xulka Talyaaniga oo lagu yaqaan difaac iyo khad dhexe oo bir ah iyadoo laacibka da’da ah Andera Pirlo oo majaraha u hayey quwada daafaca dhexe ee Talyaaniga kuwaasi oo meel saarey kubad qaabeynta Andres Iniesta & Xavi Hernández.

Tababaraha Spain Vicente del Bosque wuxuu garoonka la soo galay shaxda 4-1-2-12 oo la macno ah 4-3-3 waxaase la yaabka quburada dhanka kubada cagta ay aad ula yaabeen isagoo keydka uga soo tagey laacibiintiisa rasmiga ah ee weerarka afka hore ama Canter Forward sida Fernando Torres & Fernando Llorente waxaana uu ka doorbiday in afka hore uu dhigo Cesc Fabregas oo ay geesaha ka taageerayaan David Silva &  Andres Iniesta.

Qaybtii hore ciyaarta waxaa inta badan halis badnaa oo kubad laad iyo isku day gool uu ka imaanayey dhanka Talyaaniga, iyadoo Spain ay isku dayeysay inay banooniga u dajiso Talyaaniga si ay ugu suurtagasho inay la soo baxaan kubadooda isku dhiidhiibka ku dhisan.

45-kii daqiiqo ee loogu tala galay qaybta hore ee ciyaarta waxay ku soo dhamaatey 0-0 inkastoo labada gool ilaaliye ee captain-ka u kala ahaa labada kooxood ay badbaadiyeen kubado weerar ahaa.

Qaybtii dambe ee ciyaarta markii la isku soo laabtey tababaraha Talyaaniga Cesare Claudio Prandelli wuxuu badal ciyaarta kaga bixiyey Mario Balotelli oo fursad muhiim iska dayacay daqiiqadii la bixiyey, waxaana ciyaarta ku soo galey badalkiisii weeryahanka kooxda Napoli Antonio Di Natale balse daqiiqado gudahood markii uu garoonka soo galey wuxuu lugta la helay kubad caaqibo leh oo uu soo baasay ciyaaryahan Pirlo, waxaana uu la tagey goosha Spain, iyadoo kubadaasi uu gees ka dhigay goolhayaha Real Madrid ee xulka Spain hogaaminaya Iker Cassiless, waxaana daqiiqadii 60-aad ay ciyaartu noqotey 1-0 oo ay Talyaanigu ku jabiyeen saacad ismari waa ah.

Laakiin afar daqiiqo goolkii Natale iyadoo wali taageerayaasha Talyaanigu damaashaad iyo farxad ku jiraan waxaa kubad uu soo dhiibay xidiga khadka dhexe ee kooxda Manchester City waa David Silva si xarago leh lugta bixid ula helay kubad qaabayihii ku soo barbaaray kubad wanaaga Arsenal Cesc Febregas oo haatan Barcelona ka tirsan isagoo kubadaasi hubanti ahaan gees ka siiyey shabaqa Talyaaniga,taasi oo u suurtagalin wayday goolilaaliyaha qibrada badan Gianluigi Buffon in uu badbaadiyo, waxaana sidaasi ay ku noqotey ciyaartu 1-1.

Talyaaniga goolkaasi lagaga naxsadey wuxuu ridey sas iyo walbahaar, waxayna ka baxeen iskala dhagasho ku timid markii ay goolka heleen, iyagoo markaasi dib galey shax u ekeyd difaac oo 5-4-1 si ay u yareeyaan haliska ka imaanaysay dhanka Spanish-ka.

Torres oo kubad ka qaadan la'a Buffon

Spain waxay ku soo biirisay ciyaarya daqiiqadii 73-aad weeraryahan rasmi ah Fernando Torres iyadoo badal lagu bixiyey gool dhaliyihii la oran karey wuxuu badbaadiyey Spain waa Cesc Febregas waxaase Torres oo mudooyinkii ugu dambeeyey lagu bartey kubad dayac uu dhumiyey fursad lama helaan ah ka dib markii uu awoodi waayey in uu kubada ka qaato goolhayaha Talyaaniga oo gooshiisa isku qabsadeen kubad loo soo baasay.

Baaska Torres loo soo dhigay wuxuu ahaa mid la ah kii uu ku dhaliyey sanadkii 2008-dii finalkii koobkan ee uu ka dhaliyey xulka Germany, marka loo eego qaabka loogu soo baasay, meesha uu ku sugnaa ee laga siiyey kubada iyo waliba sida goolhayuhu ugu soo baxay, laakiin goolkaasi Spain ku qaaday koobkii EURO 2012 Torres kubadii ma dhaafin gool ilaaliye Buffon.

Inkastoo labada kooxood badal ciyaartoy sameeyeen hadana 90-kii daqiiqo ee ciyaarta loogu tala galay iyo daqiiqadihii raaciska ahaa ma aanay keenin in gool koox garoonka kala baxdo, waxaana ciyaartoyda labada kooxood markii ciyaartu dhamaatey iyagoo qoslaya oo ku wada faraxsan natiijada ay ku dhaqaaqeen inay isa salamaan oo ay xabadka is galiyaan, taasi oo aheyd luuqada jireed (body Language) loo qaatey in ay ku faraxsan yihiin natiijada oo ay haatan xooga saarayaan min labada kulan ee ay kala yeelan doonaan Jamhuuriyada Ireland iyo Croatia.

Ku darso intaad ka ogtahay

Goolkii Febregas uu ka dhaliyey Talyaaniga wuxuu soo afjarey 364 daqiiqo oo Spian aanay gool ka dhalin Talyaaniga, sidoo kale barbardhacan wuxuu ahaa kii ugu horeeyey kulan tartan ah oo Spain ay gasho tan iyo intii uu qabtey hogaanka xulka qaranka tababare Del Bosque.

Spain waxay goosha Talyaaniga toogatey 17 jeer, laakiin shan kaliya ayaa toos u abaaray shabaqa oo mid ka mid ah uu ahaa goolka halka inta kale uu badbaadiyey gool ilaaliya Buffon, taasi waxay u dhigantaa 29%.

Talyaanigu wuxuu toogtey shabaqa Spain 11 jeer laakiin lix mar ayaa toos u abaartey shabaqa oo mid ka mid ah uu ahaa goolka furitaanka ciyaarta taasi waxay ka dhigan tahay 55%.

Spain oo caan ku ah kubad baas baas ah waxay isku dar baaseen ciyaartoydeedu 780 baas, halka Talyaanigu uu baasay 426.

Croatia oo dhagaha ku dhufatey Ireland

Laba goolal ay dhaliyeey Maro Mandzukic, Nikica Jalavic & mid uu iska dhaliyey gool ilaaliye Shay Given ayaa good dheer oo quus ah ku ridey rajadii koobkan ay ka qabeen xulka Jamhuuriyada Ireland oo garoonka Miejski Stadium ee magaalada Ponzan ee dalka Poland ay ku garaacdey Jamhuuriyada Croatia oo koobkan ku leh taariikh aan la dhayalansan karin.

Xulka Ireland oo uu wato tababaraha 73 jirka ah ee u dhashay dalka Talyaaniga Giovanni Trapattoni waxaa lagu yaqiin difaac adag iyadoo 14-kii kulan ee ugu dambeeyey aan hal marna dhinacooda dhulka la dhigin.

Laakiin sidaasi ma aanay noqon xulka Irish-ka oo mudo 10 sano ah sugayey inay ka qayb galayaan kulamada ciyaareed ee dunida loogu xiisaha badan yahay.

Sadex daqiiqo oo kaliya ciyaarta oo socota kubad madaxa oo 15 yards ka soo teesteeyey ciyaaryahan Mandzukic ayaa ku bilaabay Ireland qaraarka guuldarada waxaase daqiiqadii 19-aad rajada u soo celiyey  Sean St Ledger oo kubad laad xor ah (Free kick) la soo qaaday madaxa la helay isla markaana ciyaarta ka dhigay 1-1.

Jelavic oo goolkii labaad siiyey xulkiisa

Daqiiqadii 43-aad ciyaarta oo ah 1-1 qalad ka yimid daafaca Irish-ka, waxaa kubad ka helay meel cidlo ah xidiga kooxda Everton Jelavic oo kubad la aamisanaa inay offside aheyd balse ka timid dhanka Ireland ku hubsadey shabaqa Ireland isagoo ciyaarta ka dhigay 2-1, shan daqiiqo oo kaliya kubad madaxa lagu soo tuuray oo birtu soo celisay ayaa shabaqii uu ilaalada ka ahaa waxaa dib ugu celiyey goolhayaha Ireland oo ka tirsan kooxda Aston Villa isagoo goolkaasi iska dhalinta ah (own goal) natiijada kaga dhigay 3-1.

Shay Given oo dhulka waran ka dib markii uu iska dhaliyey goolkii quuska

Ireland dadaal kasta oo ay sameysay waxaa u diiday nasiibka iyo laacibiinta Croatia oo jilibka u aasay kulankan, maadama ay ku xisaabtamayeen in Spain iyo Italy oo ay isku koox yihin inay barbar dhac galeen, waxaana ay xooga saareen inay hogaanka u qabtaan group-ka

Ciyaartan oo ay soo xaadireen 43 kun oo qof waxaa si weyn ugu gacan sareeyey xulka Croatia, inkastoo Ireland ay ku laba jeer ku dooday gool ku laad ka dib markii lagu dhex legday goosha Croatia dhexdeeda xidiga reer Ireland ee captain-ka u ah Robbie Keane   ka dhacdey garoonka.

Ku darso intaad ka ogatahay

Ireland waxaa ugu dambeeyey ka qayb galka ciyaaraha koobka EURO sanadkii 1988-dii xiligaasi oo ay garaaceen xulka Ingiriiska oo ay isku group ahaayeen.

Croatia oo ah wadan xoriyadiisa ka qaatey Yugulaviayadii hore sanadkii 1991-kii wuxuu la soo baxay wixii xiligaasi ka dambeeyey horumar dhanka kubada cagta ah isagoo soo saarey laacibiin fara badan oo xiligan ka ciyaara kooxaha waa weyn ee qaarada Yurub.

Croatia laga soo bilaabo sanadkii 2006-dii hal marna kama bixin 10-ka liiska FIFA ee wadamada ugu wanaagsan dhanka kubada cagta.

Mowliid Xaaji Cabdi
mowliid.haji@allsbc.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

ARTICLE TOOLS
Share to Facebook Share to Twitter Email to friend Print
NEWS IN ENGLISH
WARARKII