Wararka naga soo gaaraya gobolka Jubada hoose ayaa sheegaya in halkaasi ay kajiraan dagaalo soo laalaabtay oo saacadihii la soo dhaafay halkaasi ka dhacayay.

Dagaalada oo ahaa kuwo aad u xoogan ayaa badankooda waxa ay ka dhacayeen deegaano u dhexeeya Magaalada Caasimada u ah xaruntaasi ee Kismaayo iyo Degmada Afmadow kuwaasi oo dhexmaraya ciidamada dowlada Kenya oo ka tirsan Amisom iyo kuwa Dowlada KMG ah oo garab ah iyo xoogaga xarakada Mujaahidiinta Alshabaab.

Inkastoo aan jirin warar si madax banaan u xaqiijin kara khasaaraha dhabta ah ee halkaasi ka dhashay ayaa hadana saraakiil u kala hadashay labada dhinac waxa ay kala sheegteen guulo iyo in idhinacba dhinaca kale uu u geystay khasaare kana qabsaday deegaano.

Xarakada Alshabaab ayaa sheegtay in ay khasaare ba’an gaarsiisay ciidamada Dowlada iyo kuwa Kenya iyadoo ay ka soo rideen diyaarad dagaal oo nooca qumaatiga u kaco ah .

balse wararkaasi ayaa been abuur ku tilmaamay saraakiil iyana ka tirsan ciidamada wada jirka ah ee dagaalka qeybta ka ah waxaana ay sheegeen in ay wararkaasi yihiin kuwo been abuur ah.

Wararkii soo dhacay saacadihii ugu dambeeyayna waxay sheegayeen in dagaalo u dhexeeya labada dhinac ay dib uga qarxeen goobo shalay ilaa xalay iyo saakaba lagu dagaalamayay la iskuna adeegaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Waxaa sidoo kale jira warar sheegaya in magaalada Kismaayo xarunta gobolka jubada hoose oo ay gacanta kuhayaan xoogaga Alshabaab lagu soo bandhigay ciidan ka tirsan kuwa Kenyatiga ah ee Dagaalka ku jira oo meyd ah kuwaasi oo qaarkood saaka lagu jiid jiiday wadooyinka waa sida aynu ku heleyso wararkee.

Sikastaba ha ahaatee ciidamada Dowlada iyo kuwa kenya ayaa sheegayay maalmihii la soo dhaafay in ay dejiyeen qorsheyaal dagaal oo ay kula wareegayaan gacan ku heynta magaalada xarunta u ah gobolkaasi ee Kismaayo balse waxaa muuqata iska caabin xoogan oo kaga horyimid xarakada Alshabaab.

SBC International Muqdisho