Sida Uu Ku soo waramayo Wariyaha SBC Ee Gobolka Hiiraan, Kooxo Hubeysan Oo Xalay Weeraray Saldhiga Dhexe ee magaaladda Baladweyne.

Kooxda hobeysan Ayaa la soo sheegayaa in ay ka mid ahaayeen Xarakada Al-shabaab waxeyna xalay Saqdii dhexe Weerar Ku Ekeeyeen Xabsigaasi oo maxaabiis badan ku xiran yihiin, iyadoo halkaasi uu ka dhacay dagaal daqiiqado badan socday.

Ciidamada Aluubta ee ku sugan magaalada Baladweyne iyo kuwo Booliis ah ayaa la sheegay in ay iska caabiyeen raggii weerarka soo qaaday xabsiga, iyadoo weli aan la shaacin khasaaraha halkaasi ka dhashay inta uu la egyahay.

Ragga Hubeysan ayaa la sheegayaa ineysan usuuragalin iney Gudaha ugalaan Gudaha Xabsiga Sida ay saraakiisha Sheegeen, iyadoo Iska Caabin Balaaran Kadib Ay Halkaasi dib ula wareegeen ciidankii dowladda ee horay ujoogay.

Mid kamid ah masuuliyiinta Maamulka Gobolka Hiiraan ayaa sheegay iney Halkaasi ku dileen Mid kamid ah ragii soo weeraray Saldhiga Oo Uu Ku Sheegay iney Cadow Ahaayeen, Balse Dhiniciisa Ma sheegin Qasaaraha Soo gaaray Ciidamadda Dowladda.

SBC.