Qaraxii maanta ka dhacay magalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa warar ka soo baxay dhanka police-ka waxa ay xaqiijiyeen dhimashada labo ruux iyo dhaawaca in ka badan 36 ruux.

 Madaxa ciidamada howlgalada police-ka Julius Ndegwa oo la hadlay saxafada ayaa shegay in labo ruux la xaqiijiyay in ay dhinteen halka 36 kalana dhawacyadooda la geeyay isbitaalada magalada Nairobi.

 Dadkan dhaawacmay ayaa waxaa waxyeeleyay dab xoogan oo goobta qabsaday iyadoo uu dabkaasi saameeyay goobta uu qaraxa ka dhacay iyo aga gaarkeeda.

 Goobta uu dabka qabsaday ayaa waxa ay tahay meel petrol station ah ama kaalin shidaal oo ku taala isgoyska Kirinyaga iyo Accra ee magalada Nairobi.

 Ra’izul wazaaraha dalka Kenya ayaa booqday isbitalada loola cararay dadkii ku waxyeeloobay dabka iyo qaraxa isla socday isagoo shegay in dowladu caawin doonto dadkan dhibatada ay so gartay iyo dadkii ku hanta belay dabka ka kacay goobta.

Wali waxaa soconaya baaritaano la xiriira wixii sababay qaraxa iyo waxa uu ahaaba police-ka ayaana arintaasi isha ku hayan oo wali ku guda jira halka ay arintu ka imaatay.

DAAWO SAWIRADA

Xuquuqda Sawirada: Daily Nation

Ahmed Muse Gure
 SBC Nairobi Kenya
 waqaca4@gmail.com