Ku dhowaad 8 qof ayaa lagu soo waramayaa in ay ku dhinteen qaraxyo maanta duhurnimadii ka dhacay Magalada Muqdisho xarunta dalka Gaar ahaan Hotelka Magaaladaasi uu ka degenyahay madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya Xasan Sheeq Maxamuud.
Sida ay ku soo waramayaan wariye yaasha SBC ee Muqdisho ku sugan qaraxyada aya waxaa geystay rag isa soo miidaamiyay iyagoona laba qarax ay ka dheceen afaafka hore ee Hotelka lagu magacaabo Jasiira oo uu degenyahay madaxweynaha.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in xiliga qaraxayadu dhacayeen ay hoteelka gudihiisa ku shirayeen madaxweynaha Cusub ee Dalka Xasan Sheeq Maxamuud iyo Raiisul wasaarihii xukuumadii Badbaado qaran ee dhacday C/wali gaas iyo wafdi ka socday dowlada dalkaasi Kenya .
Dhinaca kale Xarakada Shabaab Almujaahidin ayaa sheegtay qaraxyada Maanta ka dhacay afaafka hotelka uu degenyahay madaxweynaha Soomaaliya , waxaana ay ku sheegatay xarakada bog internet oo ay ku leedahay twitter-ka waxaana qoraal la soo geliyay lagu sheegay in qaraxyadaasi xarakadu ka dambeysay guulna ay ka gaartay
Daalacatey :1756