Wararka ka imanaya Gobolka jubada Hoose ayaa sheegaya in duqeyn ka dhacday deegaanka Jasiirada ah ee Kudhaa ay sababtay Khasaare dhimasho iyo dhaawac leh.

Duqeynta oo la sheegay in ay geeysteen diyaarado kuwa Qumaatiga u kaca ah oo ay leeyihiin ciidamada Dowlada Kenya ayaa waxaa la xaqiijiyay in ay ku geeriyooday hal qof halka in ka badana ay dhaawac yihiin.

Waxaa la xaqiijiyay in dadka ku waxyeeloobay ay dhamaantood ahaayeen dadka deegaanka, waxaana ay diyaaradahani bamka la dheceen bartamaha deegaankaasi iyadoo taasi ay wal wal iyo walaac ka muujiyeen dadka deegaanadaasi ku dhaqan.

“Waxay aheyd xili Gabal dhac ah, oo ay dadku guryahooda ku xeroonayaan, waxaana ka warhelnay duqeyn ay geysanayaan diyaradaha helacobters-ka, si aad ah ayaan uga walaacsannahay falalkan” ayuu yiri mid ka mid ah dadka deegaanka jasiirada Kudhaa oo la hadlay Xafiiska SBC International ee Gobolka Gedo.

Ma ahan markii ugu horeysay oo ay ciidamada Kenya duqeymo loo adeegsanayo diyaaradaha qumaatiga u kaca iyo kuwa miiga looyaqaanba ku garaacaan  deegaano ka mid ah gobolka jubada hoose iyo gobolo kale oo ku yala koonfurta soomaaliya .

Waxay aheyd maalmo ka hor markii deegaanka Hoosingoow oo ka tirsan gobolka Jubada hoose ay diyaaradaha miiga u geystaan duqeyn taas oo sababtay sida wararka lagu hayo khasaare soo gaaray dad shacab ah oo aan waxba galabsan.

C/khadar Maxamed Siraad
SBC International Gedo.