Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qaraxyo ciidamada Dowlada Kenya lagula eegtay gelinkii dambe ee shalay deegaano ku dhow degmooyinka Mandheera iyo wajeer oo ka tirsan waqooyi bari Kenya.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in qaraxyadaasi ay ku geeriyoodeen 2 sarkaal oo ka tirsan ciidamada Dowlada Kenya, waxaana uu dhaawac farabadani ka soo gaaray ciidan kale oo ka tirsan ciidamada Dalkaasi.

Qaraxyada labo ka mid ah oo ka dhacay meel ku dhow Mandheera waxaa ay wararku sheegayaan in ay ka dhasheen khasaare dhan geeridiisa 2 qof oo ka tirsanaa askarta halka in ka badana ay ku dhaawacmeyn .

Weeraradan ayay dowlada Kenya dusha u saarisay in ay ka dambeeyeen xarakada Shabaab Almujaahidin, iyagoona howlgalo baaritaano ay fulinayay xalay ilaa manta gelinkii hore, kuwaas oo sida la xaqiijiyay lagu qabqabtay dad balse aan la xaqiijin Karin inta ay dadka la qabqabtay dhanyihiin.

dadka ayaa waxaa ay isla dhexamarayaan in dadka la qabtay ay aad u tiro badan yihiin islamarkaana ay gebi ahaantoodba yihiin Soomaaliya laga qabqabtay Deegaanada waqooyi bari Kenya .

Xarakada Shabaab Almujaahidiin ayaa dhankooda sheegtay in qaraxyadaasi ay ka dambeeyeen islamarkaana ay ku dileen ciidamo farabadan iyo sarakiil ka tirsan ciidamada Dowlada Dalkaasi Kenya .

C/qadar Maxamed Siraad
SBC International Gedo.