Raysal wasaraha Dowlada Fedaraalka Somaliya  C/wali Maxamed Cali Gaas iyo Xubno ka tirsan Xukuumada KMG ah  aya maanta soo Gaaray Magaalada  Garowe.

Raysal wasaraha  Dowlada Fedaralka ah ee Somaliya C/wali Maxamed Cali Gaas oo ay ku waheliyeen safarkiisa Wasiradda Cafimaadka, waxbarashada, Hawlaha Guud wasir dowlaha Gashandhiga iyo xubno ka tirsan Barlamaanka DFS ayaa maanta ka soo degay Garoonka Diyaradaha ee Magaladda Garowe halkaas oo si wayn ay soo dhawayntiisa uga qayb qateen Madaxda Maamulka Puntland oo uu ugu horeeyay Madaxwaynaha Puntland C/raxmaan Maxamed Maxamuud Faroole Xubnaha Golayasha Dowlada Ururadda Bulshada iyo Cuqaal.

Kadib waxaa loo soo Galbiyay Rasyal wasaraha iyo Xubinihii la socday Xarunta Madaxtooyada halkaas oo ay Madaxawaynaha  Puntlland C/raxmaan Faroole iyo Raysal wasaruhu C/wali  maxamed Gaas oo ay hadal koban ku siiyeen Warbaahinta iyo Xubnihii kale oo soo dhaweeyay wafdiga Madaxawayne faroole oo ku hormaray hadalka ayaa sheegay Socdaalka raysal wasaraha ay u  tahay Puntland mid ugu fadhida qiime wayn waxaana uu dhinaca kale  sheegay in markii ugu horaysay ee tan iyo markii khilafku soo kala dhexgalaY labada dhinac ay wada fariistaan.

Raysal wasaraha Somalilaya C/wali Maxamed Cali o o isna hadal kooban Jeediyay ayaa sheegay in uu aad ugu farax san yahay soo dhawaynta marka laga yimado Wadashaqan dhab ah oo ay wada yeeshaan  Puntland iyo Dowlada KMG ah ee Soomaaliya.

Madaxwaynaha Puntland ayaa sidoo kale sheegay in Puntland ay Ka tirsan tahay Somaliya ayna soo dhawaynaan Xirir fiican  iyo wada shaqeyn dhexmarta .

DAAWO SAWIRADA

C/naasir Yaasiin Salaad
SBC International Garoowe