Warar Ay Heleyso SBC Ayaa sheegaya in Duleedka Dagmadda Carmo Ee Gobolka Bari Lagu Dilay Gudoomiyihii Hore ee Dagmadda Isku-Shuban.

Marxuumka Dhintay Ayaa La Oran Jiray Cabdirsaaq Muuse Cartan Waxaanna Xiligga La Dilayay Uu Ku Sii Jeedda Dagmadda Waaciye Ee Gobolka Kar-Kaar.

Dadka Deegaanka Oo Aan La Xiriirnay ayaa Sheegaya in Ay Maleeshiyo Wadda Ugaleen Gaariga Marxuumka Oo Ay La Socdaan Qaar Kamid Ah Qoyskiisa Oo Ku Sii Jeedday Deegaanka Waaciye.

Si Kastaba Ha Ahaatee Ma Jidho Cid Ka Hadashay Dilka Gudoomiyihii Hore ee dagmadda Isku-Shuban Cabdirsaaq Muusse Cartan, Iyadoo la Filayo Iney Ka Hadasho Dowladda Puntland.

SBC, News.