Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika Mousa Faki ayaa gaaray magaalada Muqdisho, iyadoo si weyn loogu soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho.

Mr Muuse Faki, ayaa waxaa Garoonka Aadan cadde ku soo dhaweeyay Ra’islawsaaraha Soomaaliya Xasan Cali kheyre xubno ka mid ah Saraakiisha Midowga Afrika ee AMAISOM.

Booqashada Mr Muuse Faki,ayaa leh labo ujeedo oo kala ah sidii Midowga Afrika uga qeyb qaadan lahaa wax ka qabashada abaarta ka jirta Soomaliya iyo qorshe cusub oo AMISOM ay ku dooneyso in ay ku billowdo howlgal ka dhan ah Xarakada Al-shabaab ee Soomaaliya.

Dhinaca Kale Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa xafiiskiisa madaxtooyada Soomaaliya ku qaabilay guddoomiyaha Midowga Afrika Moussa Faki Mahamat oo maanta gaaray magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha iyo guddoomiyaha midowga Afrika ayaa si gaar ah uga wada hadlay arimaha Abaaraha iyo Ammaanka.

La soco faah faahinta Kulanka Insha Allah.