Iska hor imaad culus oo mudo kooban soconayay ayaa waxa uu ka dhcay deegaanka Qooqaani ee gobolka jubada hoose kaas oo dhexmarayay ciidamada DKMG ah iyo kuwa kenya oo isku dhinac ah iyo xarakada Alshabaab.

Wararka ayaa intasi ku daraya in xarakada Alshabaab ay soo qaaday weerarka kuna qaatay fariisin ay duleedka deegaankaasi ku lahaayeen ciidamada Kenya, waxaana la sheegay in si rasmi ah ay ula wareegeen xarakadu fariisinkaasi mudo kooban .

Goobjoogayaal ka gaabsaday magacooda in laga xuso saxaafada ayaa u sheegay xafiiska SBC Internatonal ee gobolkaasi Gedo in dagaalka uu ahaa mid aad u culus islamakaana labada dhinac ee dirtu ka dhaxeysay ay isku weydaarsadeen hubka noocyadiisa kala duwan .

Deegaanka Qooqaani waxaa ka dhacay weerara xalay ay soo qaadeen dagaal yahanada xarakada Alshabaab, waxaana uu kani noqonayaa kii labaad iyadoona aan jirin warar faah faahsan oo ka soo baxaya labada dhinac ee is farasaaray o faah faahinaya qasaaraha dagaalka, marka laga reebo sheegasho guulo ay xarakada Alshabaab ka gaareen dagaaladii dhacay kaas oo ay kula wareegeen hub iyo gaadiid dagaal.

C/khadar maxamed Siraad
SBC International Gedo.