Ciidamada Dowladda Somaliya oo gacan ka helaaya Ciidanka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika, ayaa waxay qabsadeen qaybo ka mid ah Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo.

Ka dib dagaalo maalmahaanba ka soconaayay Deegaanka Juungal oo 30-km u jirta Degmada Baardheere, ayaa waxay ugu dambeen keentay in laga soo gudbo daafacyo ay kaga jireen dagaal-yahanada Al Shabaab.

Sarkaal ka tirsan ciidanka dowladda oo lagu magacaabo Siyaad Axmed Aadan ayaa sheegay in abaarihii 2-dii duhurnimo ay gudaha u galeen Baardheere, isagoo xusay in qeybta kalena ay sugayaan inay soo galaan Ciidamada kale.

“Inteeda xooga leh magaalada anagaa joogna, qeyb ayaa ka galnay oo ah dhinaca Buundada oo ah meelihii laga xukumayay, waxaa fileynaa in qeybta kale ay ciidamada saaxibadeena inay soo galaan” ayuu yiri Siyaad Axmed Aadan.

Ciidamada huwanta ayaa dhowr jiho ka soo kulaalayay degmada Baardheere, waxaana ay la kulmayeen dagaalo culus iyo weeraro dhaba gal ah.

Ciidamada Dowladda iyo Amisom oo toddobaad ka hor ka soo dhaqaaqay Deegaanka Faa-faaxdhuun, ayaa dhinaca galbeed ka soo galay Degmada Baardheere.

Baardheere waxaa kala qaybiya Webiga Jubba oo dhex mara. Ciidamada Dowladda iyo Amisom waxaa si buuxdo loogu arkayaa xaafadaha kala ah Buulo Leesaan, Qalaaliyow iyo xaafadda kale ee Ceelwaaq loo yaqaano.

Ciidamada, ayaan weli gaarin qaybaha kale ee Degmada Baardheere. Waxaana weli rag ka tirsan Ururka Al Shabaab lagu arkayaa xaafadaha faras-magaalaha u ah Baardheere, sida Masaba, Kaskey, Bulsho, Buulo Kuulow iyo Kurmaan.

Waa markii ugu horeysay oo Ciidamada Dowladda iyo Amisom ay gaaraan Degmada Baardheere, ka dib muddo sideed sano ka badan oo ay ka arriminayen Ururka Al Shabaab.