Faadumo Bare Axmed oo ah isku duwaha howlaha Wasaaradda haweenka iyo arrimaha qoyska ee DFKMG ee Gobolka Gedo oo la hadashay xafiiska SBC ee Gobolka gedo ayaa waxa ay sheegtay in kormeyr ay ku tagtay qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Gedo oo ay sheegtay in ay jiraan dad xaalad nolol xumo aad u liidata ay ku haysato halkaasi.
 
Faadumo Bare ayaa waxa ay sheegtay in dhibaatooyinka ugu badan oo ay dadkaasi qabaan ay tahay hoy la’aan, cuna la’aan oo ay usii dheertahay caafimaad daro halkaasi ka jirta, iyadoo tilmaamtay in Cudurka shuban biyood uu halkaasi ka jiro, waxaana ay sheegtay Maalmahii ugu dambeeyey in tiro Caruur ah oo gaaraya ilaa shan Caruur ay Cudurka Shubanka ugu geeriyoodeen deegaano hoos taga degmada Luuq.iydoona intaasi ku dartay in aysan jirin kormeer lagu sameeyo dadka iyo wax gar gaar ah oo ay heleen intaba.
 
Ugu dambeyn ayaa Faadumo Bare Axmed waxa ay carabka ku adkeysay in dowladda KMG Soomaaliya ay ka gaabisay wax u qabashada dadka barakacayaasha ah ee ku dhibaateysan gobolka Gedo, kuwaasi oo ay tilmaamtay in haatan ay ku nool yihiin xaalad nolol xumo oo aad u liidata.
 
Waxaana ay sheegtay in haddii aan sida ugu dhaqsiyaha badan gar gaar caafimaad loola gaarin ay qatar ugu jiraan dadka in ay halkaasi ku dhintaan,hadalkani ka soo yeeray Mid ka mid ah Mas,uuliyiinta DFKMG ee Gobolka Gedo ayaa waxaa uu ku soo beegmayaa xilli dhibaatooyin Caafimaad daro ay ka taagan yihiin degaano badan oo ka tirsan Gobolka Gedo.
 
Qadar Maxamed
SBC International-Gedo