Kulan maanta ka dhacay Xarunta Xalane ee ugu weyn fadhiga Ciidamada Amisom ayaa waxaa isugu yimid Masuuliyiin ka kala socotay Midowga Africa iyo Qaramada Midoobay .
Kulankaasi waxaa ka hadlay Saraakiil ka tirsan Amisom Madaxda Sare ee Qaramada Midoobay u qaalbisan Soomaaliya sida Agustina Mahiga iyo Xubno Midowga Afka ka socday.
Ergeyga Qaramada Midoobay Soomaaliya Dr Mahiga ayaa halkaasi ka jeediyay hadal isagoona ku dheeraaday Marxalada Soomaaliya iyo hanaan socodka nabadda Road Mapka iyo dastuurka .
Waxa uu sheegay Mahiiga in xiligan ay muhiim tahay in laga gudbo kumeel gaarka Inta Aan la gaarin Bisha August, isagoona dignin ugu jeediyay madaxda Soomaalida, Xubno ka tirsan Baarlamanka iyo golaha Wasiirada in Faragelin lagu sameeyo Hanaanka Road Map-ka, Cidii arinkaasi isu taagtaana loo aqoonsan doono kuwo aan danta Soomaaliya iyo Horumarkeeda wadin.
Waxa uu sidoo kale Dalab u diray qeybaha kala duwan ee Saraakiisha Ciidamada DKMG ah iyo Amisom in la xoojiyo guulaha ay gaarayaan ciidamada loona gaba gishto sidii loo qaban lahaa gobolada kale ee Soomaaliya.
Dhinaca kale Ambasidor Mahiga ayaa dhaliil u jeediyay Madaxda Dowlada Kenya, waxuuna sheegay in ciidamada Keenta ee iminka ku sugan Soomaaliya ay ka mid yihiin Midowga Africa ee Amisom ka hadlidoodana ay xaq u leeyihiin hogaanka Amisom balse aan loo baahneyn in dowlada Kenya ay sigaar ah uga hadasho Howlgalka ka socda Soomaaliya.
Waxaa ay dhaliishani ku soo aadeysaa xili madaxda dalka Kenya ay ka codsadeen maalmo ka hor ciidamada Reer galbeedka ah ee ku sugan Badda Soomaaliya in ay ka caawiyaan qabashada magaalada dekeda ah ee Kismaayo.
C/qaadir Maxamed Cabdulle
SBC International Muqdisho.