Waxaa maanta duhurnimadii ka dhoofay garoonka diyaaradaha ee magaalda garoowe (Garoe international airport) wafdi ballaarran oo ka ka kooban 25 xubnood oo isugu jira Wisiiro iyi xil dhibaano ku waasi oo hogaaminayay wasiirka waxbarashada ee Puntland C/ Siciid Faarax (Juxaa )kuwaasi oo ku sii jeeda magaalo madaxda wadanka Soomaaliya ee Muqdisho.

Wafdigaani ayaa waxaa lagu wadaa inay ka qayb galaan shirka dib u heshiisiinta ee Dhawaanta lagu wado in uu ka dhaco magaalada Muqdisho Kaasi oo ay soo qaban qaabisay qaramada midoobay laysuga keenayo qaybaha kala Gadisan ee isaga soo hor jeeda siyaasada soomaliya .

C/ Siciid Faaax (Juxaa) wasiirka waxbarashada ee Puntland oo saxaafada hadal kooban Siiyay isaga oo ku gan garoonka diyaaradaha ee Garoe international airport waxaa uu Sheegay inay ka qayb galayaan shirkaasi dib u heshiisiinta ee lagu wado in lagaga hadlo arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin arrimaha federaalka ,dastuur federaalaka ah iyo dib u habaynta baarlamaanka dowlada KMG ah ee Soomaaliya sidoo kale shirkaani waxaa Loogagaga hadli doonaa arrimaha amniga sida uu xusay wasiir Juxaaa.

Dhageyso codka wasiirka.

Halkan ka dhageyso

Wafdigaani maanta ka dhoofay garoonka diyaaradaha ee magaalada garoowe ayaa ka Qayb gali doona shirka lagu wado in uu maalinimada barrito ah ka furmo magaalada Muqdisho iyadoona ay u matali doonaan shacabwaynaha reer puntland ,shirkaani ayaa Waxaa lagu marti qaaday dhammaanba qaybaha kala gadisan ee soomaalida sida Maamulada dowlda KMG ah ee soomaaliya ,maamulka puntland ,gal mudug iyo culima Aqdiinka ahlu suna wal jamaaca.

Shirkaani ayaa lagu wadaa in loogaga gudbo xilliga kala guurka ah ee kumeelka ah loona Gudbo waji kale iyadoona lagu wado in wajiga labaad ee shirkaani uu ka dhici doono Magaalada garoowe ee caasimada dowlada Puntland.

Daawo sawirada

Yusuf Maxamed Maxamud (Yusuf Yare)
SBC International Garoowe, Nugaal