Shirkan ayaa waxaa looga hadlayay Ergada uga qayb galaysa Gobalada Bari iyo Karkaar oo isku hal gobal laga dhigay ansixinta Dastuurka Cusub ee  ay Punyland yeelanayso .

Waxaa ka soo qayb galay Mamulka Gobalka kan Degmada ,Nabdoono ,Wax garad ,Ururada Haweenka iyo kuwa dhalinyarada  iyo qaybah kale ee Bulshada .

Shirkan ayaa wax uu ahaa mid inta badan su,aalo lasku waydaarsanaay kuwaas oo dhex marayaya Gudiga  Dastuurka Puntland iyo ka soo qayb galayaasha .

Waxaana inta badan ay dadkii ka soo qayb galay ay ka biyo diidanaayeen tirade la siiyay Gobalka Bari oo ay sheegeen inay ku midaysan yihiin Karkaar iyo bari oo ah Gobalka ugu Dadka badan taasina ay sheegen inaysan u qalmin (93 xubnood)

Gudiga Dastuurka Puntland ayaa wax uu ahaa mid inta badan ka soo qayb galayaasha ku qan cinayay sida ay ugu qanci lahaayeen tiradaa iyagoo dadka u sheegayay in xiliogan aysan ahayn xiligii wax laga hor iman lahaa ay tahay xiligii lays adeeci lahaa

Wada shoor  badan iyo su,aalo iswaydiin dabadeed ayaa waxaa halkaa ka hadlay Barkhad Cali Saalax oo isagu ka mid ah Gudiga Dastuurka Puntland isagoo sheegay in uu mahad balaaran u jeedinaayo dhamaan ka soo qayb galayaashii shirkaa looga hadlayay ergada Gobalka Bari uga qayb gali doonta ansixinta Dastuurka puntland 

Isagoo sheegay in shirkan uu yahay kii labaad ee ku aadanaa wacyi galinta ergooyinka iyagu ka qayb gali lahaa ansixinta dastuurka Puntland isagoo sheegay in uu yahay kii labaad

Barkhad cali Saalax ayaa wax uu ka hadal Inta ay noqnon doonaan dadka ansixindoona (480 Xubnood)Isagoo sheegay in Boqol ka mid ah ay yeelan doonan Dowlada inta kalena ay ku kala heli doonan gobaladu sidan

1.Goabalka Bari (93 Xubnood )isagoo horay u lahan jiray (113)
2.Gobalka Sool (85 xubnood )isagoo haray u lahaa (106)
3.Gobalka Sanaag (86 xubnood ) horayna u lahaa (106)
4.Goblka Mudug (53 xubnood) horyna u lahan jiray (64)
5.Nugaal (53 xubnood )horayna u lahan jiray (65)
Isagoo intaa kadib ugu baaqay bulshada Gobalka Bari inay siada ugu haboon isgu soo xulaan si ay ugu diyaar garooban inay tagaan Magaalada Garoowe oo ah halka lagu ansixin doono dastuurka Puntland yeelan doono.

Daawo Sawirada



Axmed Nuune
SBC International Boosaaso