Duqeymo horleh oo ka dhacay Jubada hoose iyo dadka Kismaayo oo qaba Cabsi

Xaalada Magaalada Kismaayo xarunta gobolkaasi jubada hoose ayaa ah mid cakiran oo dadka ku dhaqani ay qabaan cabsi xoogan ka dib markii labadii maalin ee ugu dambeysay ay ka dhacayeen duqeymo dhanka badda ka imanaya.

Duqeymahan oo ay geysanayaan maraakiib ay leedahay dowlada Kenya oo ku sugan badweynta ku teedsan magaalada, waxaanay labadii habeen ee ugu dambeeyay khasaare ka geystay madaafiic ah ku garaaceen magaalada inkastoo aan la shaacinin khasaarahaasi in uu yahay mid nafeed iyo inkale.

Madaafiic ku dhacay dekeda weyn ee magaaladaas ayaa waxaa lagu soo waramayaa in ay dhaliyeen khasaare bur bur oo soo gaaray dekeda sida ay noo xaqiijiyeen ilo wareedyo la isku haleyn karo oo deegaankaasi ku dhaqan.

Waxaa dhanka kale wararku sheegayaan in magaalada uu ka jiro barakac ay sameynayaan dadka ku dhaqan magaalada qeybtood, iyagoo beegsanaya goobo ay isleeyihin waad kaga badbaadeysaan duqeymaha magaalada ka dhacaya.

Saraakiisha DKMG ah Soomaaliya ee iyagu ku sugan deegaano ka tirsan gobolkaasi oo dagaalo ay kula jiraan Xoogaga Xarakada Alshabaab ayaa qalabka warbaahinta ugu jeediyay digniin shacabka magaalada iyagoona ku hanjabaya in ay maalmaha soo fool leh gacanta ku dhigayaan Magaalada Kismaayo.

Dhinacooda saraakiisha Xarakada Alshabaab ayaa iyagana sheegaya in ay difaaci doonaan magaalada kismaayo iyo deegaanada kale ee ay iminka isku hor fadhiyaan labada dhinac .

Sikastaba ha ahaatee waxaa sii kordhay labadii maalin ee ugu dambeysay duqeymaha dhanka badda ay ciidamada Kenyatiga ee ka tirsan amisom u geysanayaan magaalada Kismaayo.

SBC International Muqdisho

Daalacatey :297

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

ARTICLE TOOLS
Share to Facebook Share to Twitter Email to friend Print