Maamulka degmada gaalkacyo ee xarunta gobolka mudug ayaa sheegay in dhalinyarada ku jirta falalka burcad badeednimo ee ku sugan gudaha magaaladaasi ay u samaynayaan wacyigalin joogta ah iyo xirfado shaqo oo u sahlaaya dhalinyaradaas in ay noloshooda maareeyaan.

Saciid Cabdi Faarax Duqa degmada gaalkacyo ayaa warbaahinta SBC u sheegay mar uu la hadlayay in dhalinyarada lagu tilmaamo burcadbadeeda in ay yihiin kuwo amniga Wax u dhimi kara hadii aan la wacyigalin oo aan loo samaynin shaqo abuuris waxaana uu intaasi ku daray in dhalinyaro burcad badeed ah aysan ku sugnayn magaaladaasi Balse hadii ay jiraan aysan u adeegsan doonin xoog ajandahoodana maamulka uu yahay wacyigalin iyo in ay ka waantoobaan sidii kuwii ka waantoobay ee ku sugnaa magaalooyinka Garooowe Eyl Iyo Boosaaso.

Duqa Gaalkacyo oo ka hadlayay dhanka horumarka ayaa sheegay in xilligani ay maamulkooda ay hayaan mashruucyo farabadan oo ku aadan horumarka bulshada gaalkacyo iyo bilcda magaalada kuwaasoo ay ka mid yihiin wadooyinka dhexmara magaalada ,garoonka iyo waliba guryo samaynta dadka barakacayaasha kuwaasoo intooda badan ay maalgelin doonaan hayado inta kalena ay noqon karto iskaa wax u qabso.

Ugu danbayntii Saciid Cabdi Faarax duqa gaalkacyo ayaa sheegay in maamulkooda ay ku dadaali doonaan in dhalinyarada gaalkacyo gabi ahaantood loo sameeyo shaqooyin Waxaana uu sidoo kale hoosta ka xariiqay in xaga amniga ay soo hagaagayso magaalada ayna lamid tahay dhanka nabadgalyada magaalooyinka caalamka,

Maxamed Cali Iimaan
SBC International Boosaaso