Duqa degmada Qardho Maxamed Siciid Hogaamo ayaa hadal uu siiyay SBC International waxa uu baaq ugu diray beelo walaalo ah oo dhowaan ay shaqaaqado dhaliyay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu geystay gudaha Gobolkaasi Karkaar.

Waxa uu Maxamed Siciid Hogaamo laroor uu sheegay xiligan aan loo baahneyn dagaalo beeleed iyo colaad dhiig ku daata loona baahanyahay sida ugu dhaqsiyaha badan in loo soo afjaro.

Dhageyso Duqa Qardho . RIIX AMA DAAR

Deegaano hoos yimaada degmada rako ee gobolka karkaar ayay xiisadahani ka soo cusboonaadeen waxaana 3dii maalin ee ugu dambeeyay soo kordhayay wararka ka imanaya ee ku aadan colaada labada beel ee walaalaha ah .

Colaada labadan beel ayaa noqotay mid soo jiitanta sanadihii ugu dambeeyay waxaana marar dhowr ah la dhexdhigay heshiisiin, inkasyoo marar badan ay xaaladaha cakiran ee dhexmaraya ay soo laalaabteen.

SBC International News Desk