Socdaalka shaqo ee Gudoomiyaha Golaha deegaanka Bosaso  hana Duqa degmada Bosaso Mudane Xasan Cabdlle Xasan ayaa waxa uu ku aadanaa ukuur galida Xaaladaha Nololeed iyo waliba Amni ee Tuulooyinka kudhow Magaalada Bosaso

Wuxuuna Gudoomiyuhu Socdaalkiisa kusoo kala bixiyey Sadex Tuulo oo ah kuwa dariska la ah Magaalada Bosaso waxaana ay Tuulooyin kaasi kala ahaayeen

1.Tuulada Laaga , 2 Tuulada Karin iyo Tuulada Yalho ,Tulooyinkaasi ayaa ah ku dariska la aha Magaalada Bosaso .

Gudoomiye Xasan Cabdalle Xasan ayaa ugu horayntii socdaalkiisa kasoo bilaabay Tulada Yalho oo kamida tuulooyinka ugu faca weyn tulooyinka hoos yimaada Degmada Bosaso. wuxuuna intii oo joogay tuulada lakulamay odayaasha iyo waxgaradka tuulada isgoona kala hadlay xaaladaha Nololeed iyo Amni ee tuulada waxayna u odayaashu Gudoomiyaha u sheegen in xaalda amni ee tuuladu ay aad u wanaagsantahay
Yelho1

Sahal muuse Caraale oo ah Gudoomiyaha tuulada Yalho ayaa Gudoomiyaha u sheegay in ay jirto tabashooyin ay qabaan oo ah dhanka wax tar la,aanta Dawalada iyagoona sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin socdaalka gudoomiyaha .

Intaasi kadib waxa loo soo gudbay Tuulada Karin oo iyana uu Gudoomiyuhu kula kulmay Waxgaradka tuladaasi wuxuuna sidoo kale ka xog waraystay Xaaladaha amaan iyo Nololeed ee tuulada waxayn dhamaan wax garadkii tuuladu gudoomiyaha usheegeen in xaaldoodu ay tahay mid wanaagsan

Gudoomiyaha ayaa sidookale waxa uu soomaray Tuulada Laag wuxuuna lakulmay shacabka ku Nool tuuladaahasi waxayna uga xog warameen xaladoohoda iyo waliba baahiyaha ay qabaan Axmad Samatar oo kamid ahaa odayaasha tuulada Laaga ayaa waxa uu sheegay in Gudoomiye Xasan uu yahay Gudoomiyihii ugu horeeyay ee yimaada tuulada Laaga wuxuuna siweyn ugu amaanay imaansha uu yimi laag wuxuuna yiri Markii lay yiri waxaa yimi Gudoomiyihii Degmada Bosaso ayaa yimi ee kaalay oo shirka wax ka gal arinkaasi wuxuu noqday arin aan aad ulayaaabay ! taasina waxaa sabab u ah waligay maanan arag Ggudoomiye yimi tuuladan iyo waliba tulooyinka anaga lalamida arinkaasina aad ayaan ugu faraxsan nahay.

Ugu danbeyntii Gudoomiyaha Degmada Bosaso ayaa socdaalkiisa kusoo af meerqay Kaantaroolka Magaalada Bosao isagoo lasoo kulmay Taliyayaasha amaanka ee kusugnaa kantaroolka wuxuun Gudoomiyihu kula dar daarmay in ay amaanka aad u ad keeyaa,

Intaas kadib ayuu Gudoomiyuhu Saxaafada kula hadalay Xafiiskiisa wuxuuna kawar bixiyey ujeedka Socdaalkiis wuxuuna sheegay in arinkan uu yahay mid uu ku ogaanayo xaaldaha kaladuwan ee Tuulooyinka hoos yimaada Magaalada Bosaso wuxuuna sheegay in inta karaan kooda ah ay kajawaabayaan baahiya tuulooyinka

Wana Safarki ugu horeeyay uu Gudoomiye Xasan Cabdalle ku tagao meelo kabaxsan Magaalada Bosaso .
SAwiro Dheeraad ah

Cismaan Saalax Ismaaciil
SBC International- Boosaaso