Kormeerka duqa degmada Boosaaso mudane Xasan Cabdale Xasan ayaa waxaa kuwo helinayey xildhibaan Maxamad Cabdullahi Cali kaarad oo ka tirsan Barlmaanka Dawlada Puntland iyo xildhibaan Bashiir oo katirsan golaha deegaanka ee degmada Boosaaso.

Ujeedada waftgan ayaa ahayd sidii ay ugu kuur gali lahaayeen xaaladaha  caafimaad, Amni, waxbarasho ee deegaanada Bacaad,Buruc iyo Buurgaaban oo katirsan degmada Boosaaso.

Deegaanada waa kuwo Boosaaso kaga beegan dhanka Bariga waxayna qiyaas ahaan u jiraan 100Km waana dhula wadadoodu ay aad u adagtahay waxaana loo socdaa mudo dhan Sadex saacadood marka la eego qiyaasta ay magaalada Boosaaso u jiraan iyo saacadaha loo soconayo ayaa ka marag kacaya wada xumida ka jirta deegaanadaasi.

Masuuliyiintan waxaa si diiran u soo dhaweeyay dadka deegaanka iyagoo waftiga usameeyay casumaad si heersare ah loosoo agaasimaya. 

Qado sharaf loo sameeyay waftiga kadib ayey waftigu kulan xog warysi ah la yeesheen odayaasha deegaanada Bacaad Buruc iyo Burgaaban wuxuuna kulanku ahaa mid uu gudoomiyaha degmada Boosaaso mudane Xasan Cabdalle Xasan iyo waftigiisu ay ku doonayeen in ay ku ogaadaan cabashooyinka deegaanka .

Odayaasha deegaanka ayaa masuuliyiinta u sheegay cabashooyinka ay doonayaan in wax looga qabto dadka deegaanka

dadka deegaanadaasi waa kuwo intooda badan ku tiirsan wax soosaarka dhanka Mayadiga iyo Beeyada oo dhulkaasi uu qani ku yahay






Cismaan Saalax Ismaaciil
SBC International Boosaaso