Duqa boosaaso oo maanta xariga ka jaray labo wado oo laami la asaaray.

Xasan Cabdalla Xasan gudoomiyaha golaha deegaanka degmada boosaaso ayaa maanta xariga ka jaray labada wado ee Gaaca iyo Laamiga Dekeda oo loo dhamaystiray wado laami ah oo noqonaya wadooyinkaas kuwo ka baxa Gaaca iyo garoonka diyaaradaha boosaaso iyo kantroolka ilaa dekeda magaaladan boosaaso.

Xafladii furitaanka wadooyinkaas ayaa waxaa ka soo qayb galay qaar ka mid ah masuuliyiinta puntland isimo culamo awdiin ganacsato ururada bulshada iyo dadwaynaha ku nool 16 xaafadood ee ay ka kooban tahay Magaaladan boosaaso iyadoo xarig jarka wadooyinkaasna uu ka dhacay bartamaha wadada gaaca oo ah halka dhextaalka u ah wadooyinkaas.

Ugu horayn waxaa halkaas ka hadlay duqa degmada boosaaso Xasan Cabdalla oo si aad ah uga warbixiyay dadaalkii ay u galeen hergelinta wadooyinkaas iyo bilicda magaalada boosaaso taasoo ugu danbayn uu sheegay in ay ku guulaysteen dhamaystirka wadooyinkaas iyo walibana uu sheegay in qorshaha xiga uu noqon doono wadooyinka daarasalaam iyo madaxtooyada kuwaasoo uu sheegay in ay bilaabi doonaan bisha Ramadaan ka dib waxaa kaloo uu gudoomiyaha uu xusay in maamulkooda ay wadaan kuwo ay dhamaystireen mashaariic laga hirgalinayo degmadan iyo tuulooyin hoos taga degmadan bosaao.

Duqa degmada boosaaso ayaa sidoo kale u mahadnaqay ganacsatadii iyo dadkii ka qayb qaatay horumarinta iyo bilicda boosaaso waxaana uu shacabka ku baraarujiyay in ay ka qayb qaataan howlaha horumarineed ee haatan laga wado magaaladan.

Waxaa sidoo kale halkaasi ka hadlay Gen Cali Ismaaciil oo ah gudoomiyaha gudiga horimarinta shacabka boosaaso oo isna ka warbixiyay gudigooda qaybtii ay ka qaateen wado samayntaas iyo horumarka waxaana uu Si aad ugu nuuxnuuxsaday in shacabka ay yihiin kuwa kaliya ee horumarin kara dalkooda isagoo tusaalooyin badan soo qaatay waxaana uu shacabka ka codsaday in aysan hayado shisheeye aysan sugin oo ay maalkooda iyo xoogooda isugu geeyaan horumarka dalkooda waxaana uu sidoo kale ka warbixiyay lacagihii ay ka aruuriyeen ganacsatada iyo dadwaynaha qaarkood qaabkii ay ku baxday ugu danbayntiina waxaa uu u Mahadnaqay maamulka degmada.

Gudoomiye ku xigeenka gobolka bari Yuusuf Muumin Bide ayaa isna u mahadnaqay maamulka iyo golaha deegaanka degmada boosaaso iyo waliba gudigii isku howlay aruurinta dhaqaalahii lagu fuliyay wadooyinkaas Laamiga ah ganacsatada boosaaso ayaa sidoo kale uu uga mahadnaqay dhaqaalaha ay ugu deeqaan dalkooda iyo dadkooda.

Ugu danbayntii waxaa maamulka degmada boosaaso iyo gudiga shacabka boosaaso ay bixiyeen shahaadooyin abaalmarino oo la siiyay inta badan dhamaan dadkii ka qayb qaatay howlihii lagu dhamaystiray wadooyinkaas waxaa sidoo kale loo mahad naqay gabadha lagu magacaabo Caasho Axmed Dheere oo ka mid ah ganacsatada oo noqotay gabadha kaliya ee bixisay lacag wax ku ool ah waxayna dhamaan dadkii ka Hadlay halkaasi ay sheegeen in jaaliyada puntland gaar ahaan kuwa gobolka bari ay ka seexdeen horumarka dalkooda marka laga reebo nin lagu magacaabo Axmed Ceynab oo ku nool dalka kanada.

Sawiro









Maxamed Cali Iimaan 
SBC International Boosaaso.

 

Daalacatey :2556

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

ARTICLE TOOLS
Share to Facebook Share to Twitter Email to friend Print