Kulan saxaafadeed maanta uu ku qabtay Xafiiskiisa Duqa Degmada Boosaaso Xasan cabdala Xasan ayaa waxa uu kaga hadlay arimo ku saabsan Bisha Ramadaan, Caawinta Dadka Tabarta yar iyo weliba Baaq uu u diray Dadka ku dhaqan magaalada si looga digtoonaato dabka xiligan oo laguda galay Xagaaga dabeylo badanna ay ka dhacayaan magaalada,

Ugu horeyn duqa degmada Xasan Cabdalla Xasan ayaa u digay dadka ka ganacsada cuntada bisil ee Xaaraanta ah xiliga la soo manyahay bishan lagu jiro, waxaana uu sheegay in ay jiraan gudiyo u xilsaaran la dagaalanka dadka noocaas ah ee xaaraanta kariya xiliga lasooman yahay, isagoona cidii lagu soo qabto falkaas sheegay in la marin doono ciqaab ku aadan xabsi iyo lacag.

Duqu sidoo kale waxa uu soo hadal qaaday xiliga lagu jiro oo ay dheceen habeenadan dabeylo aad u daran, kuwaas oo reebi ka saameyn xaga dabka ah .

Waxa uu sheegay dadweynaha reer boosaaso iyo kuwa ku dhaqan xeryaha barakacayaash ah in ay digtoonaadaan kala ilaaliyaanna waqtiyada ay dhacayaan dabeylaha iyo shidista dabka .

ugu dambeyntii qodobak sexadaas ee uu ka hadlay duqa degmada boosaaso waxa ay aheyd caawinta dadka danyarta ah iyo kuwa ku nool xeryaha barakacayaasha ah isagoo ugu baaqay inta waxheysata in ay gaarsiiyaan caawimaad dhan walba leh siiba afurinta dadkaasi maadama lagu jiro bishii barakeysneyd ee ramadaan.

Maxamed CAli Iimaan
SBC International Bosaso