Boosaaso- Xafladan Shahaadooyinka lagu gudoonsiiyay 67 arday oo baratay Xifidinta Quranka kariimka ah & Tarbiyada Islaamiga ayaa ka dhacday Xarunta Dugsiga Daarul-Quraan ee Magaalada Boosaaso waxaana ka soo qeybgalay Masuuliyiinta waxbarashada Gobolka Bari Maamulka Iskuulka Waalidiin & Ardey.

Xafladan oo ahayd mid si Qurux badan loo diyaariyay ka ayaadaha quraanka ku furay Arday Dadoodu aad u yartahay oo Si aad ah ay ula dhaceen khiraa’ada ay sameynayeen Dadkii Xaflada ku sugnaa 

Intaasi ka dib waxaa Xaflada lagu soo dhaweeyay Maamulka Iskuulka Ustaad Maxamed Cali oo sheegay inuu si weyn ugu faraxsan yahay in Maanta ay dufcadii afaraad ee quraanka & tarbiyada islaamka baratay ay ka qalin jebineyso iskuulka Daarul Quraan ee Magaalada Boosaaso isaga oo Amaana u soo jeediyay Waalidka ardeydaas oo u sheegay inay qeyb ku leeyihiin Heer ay ubadkooda gaareen 

Mid ka mid ah Culimaa’udiinka Magaalada oo lagu Magacaabo SHeekh Xasan Xuseen ayaa ka hadlay Goobta Xaflada oo isaga oo kula dardaarmay Waalidka Ubadka Qalinjebiyay inay Caruurtooda u sii wadaa sidii ay u sii kororsan lahayeen Quraanka Kariimka ah 

Waalidiin Caruurtooda ay Ka qalinjeniyeen Dugsigan ayaa waxay Ku amaaneen Macalimiintii Ubadkan Waxbartay inay qabteen abaal weyn Bacdamaa ay Quraanka kariimka ah xifidisiiyiin Sannadkan Arday Farabadan oo gaareysa 67 ardey oo Sannadkan ka qalin jebisay Madarada Darul Quraan ee Boosaaso

Gudoomiyaha Waxbarashada Gobolka Bari Mahdi Maxamed Muuse oo ka hadlay Xaflada Shahadooyinkana gudoonsiyay Ardayda ayaa sheegay in ay Maamul ahaan La dhacsan yihiin Habka iskuulkan uu u barayo ubadka soo koraya ay tahay talaabo horumar leh oo lagu dayan karo 

Iskuulka Daarul quraan ayaa  waxaa uu Safka hore kaga jiraa Iskulada Tarbiyada Islaamka & Quraanka lagu Barto ee Magaalada Boosaaso

SBC International Boosaaso