Gudoomiyaha golaha deegaanka ahna duqa degmada Boosaaso Xasan Cabdale Xasan oo dalka dib ugu soo laabtay kadib safar uu in mudo ah uu ugu maqnaa dalka kenya ayaa dib ugu soo laabtay magaalada Boosaaso.

Gudoomiyaha oo maanta xafiiskiisa warbaahinta kula hadla yey ayaa ugu haray tacsi kadrita dhibaatooyinkii waa weynaa ee ka dhacay magaalada Boosaaso intii uu ka maqanaa wuxuuna sheegay in uu aad uga xunyahay dabkii baaxada lahaa ee ka kacay suuqa weyn ee magaalada Boosaasooo ay hanti badani ku basbeeshay wuxuuna alle uga baryay dakii ay dhibaaradaasi soo gaartay in uu badal khatr qaba kasiiyo

Sidoo kale wuxuu gudoomiyuhu ka tacsiyeeyay dilkii naxdinta la haa ee loogaysat Dr Shekh Axmad Xaaji Cabdiraxmaan oo ay kooxo hobaysani ku dileen magaalada Boosaaso wuxuuna sheegay gudoomiyuhu in dilkaasi uu ahaa mid aad u fool xun wuxuuna alle uga baryay marxuum Dr Shekh Axmad Xaaji Cabdiraxmaan inuu jandii ka waraabiyo eheladii iyo qaraabadii uu katagayna inuu samir iyo iimaan kasooyo alle.

Wuxuuna sheegay gudoomiyuhu kuwa dilkaa foosha xun geystay in ay ahaayeen kuwo bulshada somliyeed in dhaha gariday .

Dhan ka kale gudoomiyaha ayaa sheegay in maamulka degmada Boosaasoay wadaan hawlo ay kaga qatbqaadanayaan musiibadii suuqa Boosaasoisagoo gudoomiyuhu xusan in hada ay wadaan olole nadaafadeed oo ku aadn sidii loo nadiifin lahaa suuqa maadama suuqa ay ku gubteen alaabo kala nooc ah kuwaasi oo sababi kara caafimaad daro . 

Gudoomiya degmada Boosaaso Xasan Cabdlle ayaa sheegay in maamulkiisu uu wado hawlo balaaran oo ku aadan bilicda magaalada Boosaaso

 Cismaan Saalax Ismaaciil
SBC International Boosaaso