Munaasbad Balaaran oo Shahaadooyin lagu  gudoonsinayey Arady kaqalinjbisay Machadka Barashada Culuumada Caafimaadka ee OTTI ayaa maanta lagu qabaty Hoolka Shiraraka ee Amal Plaza waxanaa munaasabadaasi shahaado gudoonisiinta ah  waxaa kasoo qaybgalay Masuuliyiin katirsan Wasaarada Waxbarashada Puntland Dakhaatiir kahawlgasha Hospitaalada Magaalada Bosaso iyo waliba aradaydii sha haadooyinka lagudoonsiinayey  iyo marti sharaf aad ufarabadan .

Ugu horayntii waxaa munaasibada Qalinjabinta ah  kahadlay Maamulaha Machadka OTTI Maxamad Xasan  Suleebaan wuxuuna kawar bixiyay ujeedka Machadka OTTI wuxuuna sheegay in ujeedkooda ugu weyn uu yahay in Bulshada kudhaqan deeganada Puntland ay noqodaan ku kufilana Caafimaadkooda wuxuuna sidoo kale shaciyay in OTTI uu yahay mid u taagan sidii Bulshadu unoqon lahayd kuwo kufilan latacaalida xaaladooda Caafimaad iyo walib tan Qoyskooda , ugu danbyentiina wuxuu ardayda kubooriyay in ay siwataan aqoontooda dhanka Caafimaadka .

Sidoo kale waxaa munaasibadaasi ka hadlay DR Mukhtaar oo ah DR kawalgala Hospitaalka Jaamacada Bariga Africa ee magaalada Bosaos wuxuu sheegay in uu aad usoo dhaweynayo ardayda qalinjabinaysa wuxuuna sheegay in ay jirto baahi badan oo dhanka caafimaadka ah isagoona kubooriyay ardaydii qalinjabisay in ay noqdaan kuwa daboola baahiyaa dhanka caafimaadka wuxuuna sheegay in Hospitaalka Jaamacada Bariga Africa wuu gacmo furan kusoo dhawynayo aradayada kabaxay machadka OTTI,

Dhanka kale waxaa halkaasi kahadalay Kormeeraha Guud ee wasaarada waxbarashaad Puntland u qaabilsan Gobolka Bari Muuse Jibriil oo isna siweyn ugu mahadceliyay aradaydii qalanijabinaysay iyo waliba maamulka iyo macalimiintii ardaydaasi wax baray wuxuuna aradayda ku buuriyay in ay noqdaan kuwo wax uqabta dadkooda iyo dalkooda .

Tirada aradayda lagudoonsiinayey shahaadada ayaa waxay gaaraysay 74 arady oo kakal socday Machadka OTTI Qaybtiisa magaalada Bosaso iyo qaybata OTTI ee Degmada Dhahar ee xarunta Gobolka Haylan.

62 araday ayaa ahaa Gabdho halka 13  ay ahaayeen Wiilal waxayna taasi muujinaysaa in gabdhuhu ay aad uga jeclyihiin wiilasha barashada maadada Caafimaadka .

Intii munaasabadu socotay waxaa madasha Bakhtiyaa Nasiib  kusoo Bandhiga Colleg Vision international  Waxaana Bakhtiyaa Nsiibkaasina Waxaa ka faa,idysatay qaar kamida aradydi qalinjabinaysay iyo Bulshadii kazoo qayb galay .

Machadka OTTI ayaa aha Machad inta badan soosaara araday barata culuumda Caafimaadka si ay dadk wax utaraan.

Halkan Ka daawo Swirada

 Cismaan Saalax Ismaaciil
SBC International Boosaaso