Xaflad si heersare ah  loo sooagaasimay oo  shahaadooyin  lagudoonsiyeey ardayda dufcadii sadexaad kaqalanjabisay macadka New Generation oo isugu jira software A+   Certification Hardware iyo English iyo tartanka garaaca Keyboard-ka ardaygii kalinta koowaad galay oo halkaas lagu gudoonsiyeey koob  iyo daah fuurka xirfado cusub uu sookordhiyeey macadaka barashadada xirfadaha ee New Generation  waxaa ka mid ah caafimaadka  korontadada.

 Xafldada  ay ka qaln jabisay arday dhan 400 00 arday  ayaa waxa ay kadhacaday schoolka xaaji mire ee magaladada Boosaaso,  waxaana xafladada kasooqeybgalay masuuliyiin kasocota wasaradada waxbarashadada iyo  profasooro   walidiin iyo dr  mohamed saciid kawir  iyo dhamaan ardayda dhigatata  macadka New Generation.

 Xafladada ujeedkeeda waxaa sharaxaad kabixiyeey mamulahaha macadka New Generation  Faysal Cabdi Cartan  waxana uu kahadlay sababta xafladan loo qabtay, isagoona sheegay in xafladani ay tahay mid shahaadooyin iyo abaal marino lagu gudoonsiinayo ardayda .

Xafladada sidoo kale waxaa joogay  masuuliyiin kasocota wasardada waxbarashadada dowladada Puntland waxana  kahadlay  kormeeraha wasarada waxbarashada  gobolka Bari Muse Jabriil  Maxamed oo sheegay in ay tahay muhiim  In  labarto xirfadahaha computerka isagoona ku  baraarujiyay inay sii wataan waxabarashadooda.

Intii ay socotay xafladada waxaa  uu bixiyey Maamulka  macadka ja isooyiin lagudoonsiyey ardayadii ugu wanaag sanayd  dhinac walba dafcada soo martay  iyo macalinkii ugu wanaagsanaa ee difcadan soomaray 

Xafladada ayaa waxaa kahadlay Dr Maxamed Saciid Kawir oo sheegay in ay tahay faaido aad ubalaaran ardaydada intaa tiradada le eg ee kaqalan jabinayasa macadka  barashada xirdadaha ee New Generation  isagoona intaasi ku daray in ay muhiimadu tahay in machadka lagu soo kordhiyo qeybaha kala duwan ee waxbarashada sida Caafimaadka.

Sidoo kale waxaa xafladada kahadlay Proffessor Ibrahim Cali Xasan  oo sheegay macadka waxqabka uu leeyahay da yarta sookacaysa isagoo kuhadlay english  Sheegayna ujeedada macadka loo furay.

Ggabgabada xafladadan waxaa shahaadooyin lagudoonsiyeey dhamaan ardaydii kaqalin jabisay dufcadan sadexaad ee macadka New Generation  oo iskugu jirtay arday baratay  software A+Certification Hardware , English Iyo Garaca KeyBoard-Ka waxayan ardaydaasi tiradooda guud ahaan aheyd{400} Oo Arday.

SAWIRO






Casiiso Muuse Cabdi Kariim .
SBC International Bosaso.