Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta dib ugu laabtay magaalada Garoowe ee caasimadda Dawladda Puntland , kadib howlo shaqo oo muhiim ah oo uu ugu maqnaa Gobolada Bari iyo Karkaar.

Madaxweynaha iyo wefdiga uu hogaaminayey oo ka soo kictimay xili hore saaka magaalada Boosaaso ayaa waxaa ay ku soo hakadeen muddo kooban magaalada Qardho ee xarunta Gobolka Karkaar oo uu madaxweyne Gaas ku dhagax dhigay dhul ay dawladu ugu talagashay qaxootiga Yemen ee ka soo cararaya dagaalada ka soconayaa dalkaas.

Wasiiro, Xildhibaano, Waxgarad iyo bulshada qeybaheeda kala duwan ayaa ka qeyb galay munaasibad kooban oo loo qabtay dhagax dhiga dhulkaa, waxaana uu Madaxweynuhu madasha ka sheegay in dawladda iyo shacabka reer Puntland ka go’antahay isgarabtaaga walaalahooda Yemen .

Intaa ka did ayaa madaxweynaha dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wefdigii uu hogaaminayey u soo ambabaxeen magaalada Garoowe, waxaana si weyn duleedka magaalada ugu soo dhaweeyey Wasiiro iyo masuuliyiin kale duwan .

Mudadii uu Madaxweyne Gaas ku maqnaa magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari waxaa uu booqday xarumaha dawladda , sidookalana waxaa uu isbadal ku sameeyey maamulka Gobolka iyo kan degmada Boosaaso.

Daawo sawiradda:

IMG_5925 IMG_5926 IMG_6002 IMG_6061 IMG_6062 IMG_6064 IMG_6067 IMG_6070 IMG_6072 IMG_6073 IMG_6074 IMG_6078 IMG_6079 IMG_6080 IMG_6082 IMG_6083 IMG_6084 IMG_6088 IMG_6098 IMG_6103 IMG_6115 IMG_6120 IMG_6131 IMG_6137 IMG_6173 IMG_6228 IMG_6247 IMG_6267 IMG_6270 IMG_6371 IMG_6373